Inta Somaliland dimuqraadiyadu ka jirtay waxa halhays noqday: Cidday Gabiley u codayso ayaa guulaysata.Gabiley waxay noqotay Ohio yadii Somaliland. Waxaan muran ka taagnayn inay Kursiga dalka u sarreeya ay reer Gabiley saareen madaxwayne Siilaanyo 2010 iyo Madaxwayne Biixi 2017. Xisbiyadoo dhanna qireen in Gabiley guusha lagu kala helo.
Waxa khamiistii dhowayd lagu dhawaaqay natiijada imtixaanka ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare ee Somaliland. Xafiiska imtixaanaadku wuxuu soo saaray tirada guud ee ardayda u fadhiisatay labadaa imtixaan ee aan kor ku xusay. Isla markaa wuxuu xafiisku u kala dhigay tirada ardayda Gobol – Gobol.
Waxa dadka Somaliland aad dhegahooga u soo jiitay tiro badnida ardayda ka soo baxday Gobolka Gabiley. Tiro ahaan waxay galeen ardayda gobolku kaalinta afraad. Waxa ka arday batay kaliya saddex gobol: Kaalinta 1aad: Gobolka Maroode-Jeex (gobolkan oo gobolada dalka oo dhan oo la isku daro ka tiro badan). Kaalinta 2aad: Gobolka Togdheer. Kaalinta 3aad: Gobolka Awdal. Kaalinta 4aad: Gobolka Gabiley ( oo ka tiro batay gobolada Sanaag, Sool iyo Saaxil). Arrintani waxay markhaati 2aad u tahay tiro badnida dadwaynaha deggen gobolka Gabiley.
Waxa la yaab leh gobolka tiro ahaan dalka muhiimaddaa u leh (Kama hadlaayo imika xagga wax-soo-saarka beeraha iyo cashuuraha oo gobolka Gabiley kaalinta 1aad ku jiro) in uuna ilaa imika helin gobolnimo rasmiya. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay 7 gobol oo Madaxwayne Riyaale magacaabay laakiin ilaa maantadan aan joogno aan la sharciyayn.
Inkastoo gobolka Awdal wareegto wasiirkii arrimaha Gudaha ee Faqashtii Gen. Dafle ku magacaabay (dabcan isagoo oggolaansho ka haysta soddogii Gacan-ku-dhiigle Siyaad Barre) oo aan ilaa iyo imika aan gole Baarlaman oo dastuuri ihi uuna ansixin. Gobolka Saaxilna uu madaxwayne Cigaal magacaabay hase yeeshee aan laftiisa la ansixinin, haddana waxa labadan gobol loola dhaqmaa maanta sidii ay yihiin gobollo rasmiya. Inkastoo xuduudaha gobolka Awdal muran badan ka taagan yahay.
Siyaasiinta Somaliland ma doonayaan inay ka hadlaan arrinta xuduudada gobolada Somaliland. Siyaasi walba waxa ku oodan haddii aad Ka hadasho xuduudada gobolada siiba kuwa Awdal inay luminayaan codka reer Borama.
Laakiin gobolada uu magacaabay madaxwayne Riyaale sidii gobolo rasmiya Xukuumaddu ulama dhaqanto. Malaha waxa ugu wacan tirada badan ee gobol uu madaxwayne Riyaale hal mar magacaabay. Goboladaa oo qaarkood tuulooyin yar yar yihiin oon runtii aan u qalmin in gobol lagu magacaabo. 6da gobol ee Gabiley mar lala magacaabay marka tirada dadkooda la isku daro waxa ka tiro badan gobolka gabiley kelidii!! Xataa gobolka Sanaag oo dhul ahaan dalka u wayn ayuu gobolka Gabiley ka dad badan yahay (eeg tirada ardayda iyo codbixiyaasha doorashooyinka).
Haddaba gobolka qiimahaa leh wuxuu gobol rasmiya u noqon waayay sababahan hoos ku qoran:
Siyaasiintiisa gobolka oo qaybsan, badankooduna ay yihiin dad reer ahaan uun lagu doortay oon aqoon,
garaad oo wax qadiyada gobolka dhaafsaday jago iyo dan gaar ahaaneed.
Bulshada gobolka oon ahayn bulsho isku duuban, aan la hayn hoggaan dhaqan iyo siyaasadeed oo midaysan.
Guud ahaan dadka gobolka Gabiley oo qaddiyadda Somaliland aad iyo aad ugu wayn tahay, dantooda goboleedna ka hormariya qaddiyadda Somaliland iyo isku duubnida dadka Somaliland.
Arki maysid odayada Gabiley oo sida reer Awdal, reer Sanaag ama gobollo kale qaylinaya; qaddiyadda ama ammaanka Somaliland ku hanjabaya haddaan dantooda reer ahaaneed loo fulin.
Qodobkan 3aad ammaan bay ku mudan yihiin reer Gabiley laakiin iyagoo dalka ilaalinaya waa inay dantooda goboleedna ka shaqeeyaan.
Laakin, horta, Somaliland ma 5, 6 ama 13 gobol ayey Ka kooban tahay?Jawaabta su’aashaa waxay ku xidhan tahay hadba cida ay maamulka Somaliland uu la hadlayo. Somaliland marka ay la xidhiidhayso United Nations, gobolada waa shan, oo Saaxil waa qayb Ka mid ah Waqooyi galbeed— UNta waxay Somaliland ula dhaqantaa gobol ka mid ah Somalia.Markay noqoto doorashooyinka, goboladu waa lix gobol. Marka ay doonayso in la madadaaleeyo dadka reer Gabiley/Guban si codkooda loo helo goboladu waa 13 gobol.
Reer Gabiley/Guban waa inay ogaadaan in dawlad dhexe oo Somaliland ah oo gobol siinaysa ma jirto.
Hadaba maxaa la gudboon dadweynaha reer Gabiley ?
Waa in reer Gabiley/Guban ay u dagaalamaan inay xaqiijiyaan himiladooda ay gobol ku rabaan.
Marka hore, waa in la abaabulo olole siyaasadeed oo hogaan leh kana shaqeeya in Gabiley/Guban gobol noqdo. Ololahaas waa inay Ka bilaabmaan deegaanada Gabiley/Guban oo idil, dhallinyaradana iyo qurbo- joogtada waa inay hormood ka noqdaan.
Waa in codkooda siyaasadeed ee awoodda badan kula gorgortamaan xisbiyada qaranka. Waa inay madaxwayne Biixi u caddeeyaan inaan mar labaad la dooranayn hadduuna gobolnimada Gabiley/Guban dhaqaajin. Waa in siyaasiinta gobolka Gabiley/Guban, odayada iyo aqoon yahankuba u hawl galaan iskana kaashadaan sidii arrintani u meel mari lahayd.
Dadweynaha reer Gabiley/Guban dooni maayaan wax la siiyo, sida beelaha qaarkood. Gabiley/Guban waa gobol dad, dhul iyo dhaqaale ay ku noqdaan Gobol leh, xuduudna kala leh xaga waqooyiga Gacanka Cadmeed. Gobolkaas waxa ku nool in ka badan afar beelod. Laakiinse, waxa ka hortaagan oo keliye inay noqoto gobol madaxbanaan waa siyaasiin uu Biixi ka mid yahay. Beenta laga wado Borama iyo Hargeisa socon mayso.
Siyaasiin badan oo reer Hargeysa ayaa weli u haysta Gabiley, Wajaale, Alleybadey, Arabsiyo, tuulooyin yar yar oo duleedka Hargeisa ah. Siyaasiintaas weli waxa ku qalifan in wadanku uu 1960 ku jiro. 1960, magaalada ugu dad badnayd Somaliland waxay ahayd Berbera.Laakiin, maanta lagu ma jiro 1960. Gobolka Gabiley/Guban noqon maayo gobol dadkiisa iyo dhulkiisa abatarsiimo lagu sheegto, laguna helo codad lagu gaaro xafiis sare.
Gabogabo:Reer Gabiley/Guban waa inay hurdada ka kacaan; danahoodana waxa walba ka hormariyaan. Haddii dawlada dhexe ee isku buuqsan ay dhagaha ka furato rabitaanka reer Gabiley/Gabiley, waxay u badnaan doontaa inay gobolkooda gacantooda ku xaqiijiyaan.
Guul baan u rajeynayaa reer Gabiley/Guban , iyo gobolka Gabiley/Gabiley, xadna la leh Gacanka Cadmeed, degmada Lug-Yaha ay ka mid tahay.
Wa Billahi tawfiiq,
QALINKII; A. Amir Bidde
Hargeisa, Somaliland