WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Dawladda Japan Ka Socda

Hargeysa(Wajaalenews);-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo Safiir ku xigeenka Japan u fadhiyo Nairobi oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland.

Ka dib kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga Japan ku dhex maray Qasriga Madaxtooyada waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire oo sharaxay u jeedada safarkan “Wuxuu weftigu inala joogay 4 cisho.waxay u yimaadeen inay kormeer ku sameeyaan,Mashaariicda ay maalgaliyeen ee la soo mariyo Hay’adda Unicef.halkan ayuu weftigu ka tagay, Berbera ilaa Sheekh ayuu soo maray aad iyo aadna wuu ula dhacay wuxuu wadanka ku soo arkay.kulanka Madaxweynaha uu la qaatay waxaan uga mahadcelinay deeqaha Japan siiso Somaliland, waxaanuna ka codsanay inay Deeqaha toos inoo siiyaan oo ay ku soo biiraan Sanduuqa horumarinta Somaliland.

Waxa kale oo aanu u sheegnay inay inaga caawiyaan, dhanka Cuntada,Biyaha,Kaabayaasha iyo tacliinta, intii ay joogeen wadanka fikir aad iyo aad u wanaagsan ayay ka qaateen,waanay la dhaceenwixii ay ku arkeen” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Sidoo kalena Safiir ku xigeenka Nairobi ee Japan Ambassador Mikio Mori,ayaa sheegay in socdaalka uu ku soo maray Berbera iyo meelaha kale ee uu tagayba uu u boggay.waxa uu sheegay in Berbera iyo Sheekh uu ku arkay horumar fiican, isagoo sidoo kalena amaanay Madaarada.waxa uu sheegay inay sii balaadhinayaan cilaaqaadka bulshada Japan iyo Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version