WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha jsl Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanada Saylac ,Xariirad Ee Roobabkii Duufanta Watay Khasaaraha Soo Gaadhsiiyeen Kana Hadlay Dagaalka Tukaraq,

XARIIRAD(W,N) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa maanta kormeer indho indhayna oo xaga cirka  ah ugu baxay deegaanada khasaaraha Culus ay soo gadhsiiyeen Roobabkii duufaanta watay ee ka da,ay xeebaha somaliland gaar ahaan gobolada Salal, Awdal iyo Gabiley, iyagoo garoon diyaaradaha ee magaalada argaysa ka raacay dyaaradihii mucaawimada gurayay ee dalka emaraadku ku caawiyeen somaliland .

Madaxwayne Muuse ayaa socdalkiisan kusoo Maray deegaano kala duwan kuwaasi oo uu ay kamid tahay xariirad ,saylac, waxaana halkaasi kala hadlay dadkii dhibtu kasoo gaadhay robabkan

Sidoo kale madaxwayne biixi ayaa a hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday deegaanka tukaraq ee gobolka sool isgoo madaxwaynuhu sheegay in ciidamada somaliland lagu sooo qaaday weerar daan daansiya kaasi oo ay si geesinimo leh uga jawaabeen

Halkan Ka Daawo Muuqalka Warkan;

Exit mobile version