WAJAALE NEWS

Khuburro Ka Tirsan Wasaaradda Beeraha Jsl Oo Taiwan Kaga Qayb-galay Tababbar Kulmiyey Dawladaha Afrika

Taipei (W,N)-Khuburo ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa dalka Taiwan kaga qayb-galay Tababbar la xidhiidha Aqoonta Beeraha, kaasi oo Taiwan ugu talo-gashay Dadka Qaaradda Afrika.

Tababbarkan, waxa ka qayb-galay 25 Qof oo ka kala socda Dalalka Somaliland, Nigeria, Koonfur Afrika iyo Eswatini, kuwaasi oo matalayey Laamaha Dawladaha ay ka kala yimaaddeen.

Tababbarkan oo lagu qabtay Jaamacadda ugu weyn dalka Taiwan ee ‘National Pingtung University of Science and Technology’, ayaa waxa Wasaaradda Beeraha ku matalayey xubnaha kala ah Axmed Saleebaan Cabdi & Axmed Nuur Aadan.

Waxa kale oo jira Xubno Tababbarkaa uga qayb-galay Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Somaliland.

Xubnahan waxa halkaa ku soo dhaweeyay Safiirka Somaliland u jooga Caasimadda Taiwan ee Taipei Maxamed Xaaji.

Safiirka ayaa Furitaankii Tababbarka kala qayb-galay Khuburrada ka socotay Wasaaradda Beeraha iyo Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha.

Tababbarkan oo muhiim u ah Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa waxa fududaysay Safaaradda Taiwan ee Hargeysa, taasi oo xidhiidh wada-shaqayneed la leh Wasaaradda Beeraha.

Waxa xusid mudan, in hawl-wadeennadu ku safreen Baasaaboorka Somaliland.

Exit mobile version