WAJAALE NEWS

“Maalin Walba Marka Dab Dhaco Waayi Mayno Wado Aynu Marno, Qofkii Wado Xidhaana Danbi Wayn Ayuu Galayaa” Maayar Cabdikarim,

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha Ciidanka Dab Damiska, Maayarka Caasimada iyo badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dab ka cay guri ku yaala xaafada liinka bilayska ee badhtamaha hargaysa oo ay ku geeriyoodeen laba caruur ahi halka afar kale iyo qof wayna laga soo samata bixiyay

Maayarka caasimada cabdikariim axmed mooge ayaa sheegay in aanay loo dulqaadadaynin dadka xidhay wadooyinkii laga soo gali lahaa xaafada

Sidioo kale taliye sawaaxili ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha uu sobobay dabkani oo markii danbe ay bakhtiyeen ciidanka bolisku isagoo ka waramay dhibta ka haysata wadooyinka marka ay gurmadka samaynayaan iyo sida ay wadayaasha gaadiidku ugu banayn waayaan jidka .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version