Hargeysa(Wajaalenews)-Qeybo badan oo kamid ah Siyaasiyiinta ayidsan iyo
taageerayaasha Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa, wakhti xaadirkan siweyn
uga walaacsan faragalinta dhinaca shacbiga kaga timid Xisbi Xaakimka
Kulmiye kadib markii marar badan ay dhinaca Xisbiga iyo awooda
Madaxweynaha ka suurtagashey in dhaqdhadhqaaq ka madax banaan Arimaha
Siyaasada loo tix galiyo duruufaha isabdel ee Xisbiga Kulmiye.
Dadka had iyo jeer faaleeya Arimaha Mustaqbal ee Siyaasada Xisbiyada
Somaliland gaar ahaana Xisbi Xaakimka Kulmiye oo mudadii Madaxweyne
Siilaanyo gacanta ku hayay Hogaanka talada dalka marar badan uu
kuyimid isabadelo hor leh oo ka fogeeyay Xisbigaasi taageeradiisii
baaxada laheyd islamarkaana, kala kexeeyay dhinacyadii isku gaashaan
buureystey Xisbigaasi ee lagu muquuniyay awoodii Xukuumadii hore ee
Xisbiga Udub ayaa, wakhtiyadan dambe u muuqda mid maalinba maalinta ka
dambeysa Siyaasadiisu xaadhxaadhaneyso gagi madhan iyadoo, had iyo
jeer ka shidaal qaadata siyaabihii burburka iyo kala dhaqaaqa ku
keenay Xisbigii Udub marka aynu ka Tusaale qaadano Doorashadii Golaha
Wakiilada ee 2005tii ka dhacday dalka waxay astaan u aheyd jabkii
Xisbiga Udub kala kulmay Doorashadii dambe iyo jiritaankiisii
Xisbinimo kadib markii Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin tix galin badan siiyay dhinaca Ganacsatada islamarkaana, uu
hoosta dhigay fikirkii Siyaasiyiintii buddhiga adkaa ee Xisbigaasi
waxaanay aakhirkii,saamayn ku yeelatey guuldaradii kutimid iyo
jiritaankii Xisbiga Udub labadaba.
Hadaba marka dib loo tix raaco raadadka mudooyinkii u dambeeyay iska
daba marey Xisbiga Kulmiye ee uu hore u hogaamin jirey Madaxweyne
Siilaanyo marka hoos loogu dhaadhaco xaqiiqooyinka raadadkii
khilaafkiisu daarnaa mudada badan,waxad moodaa in uu maalmahan dib
usoo istaadhmey dabkii hurin jirey khilaafka Kulmiye iyadoo, dad
badani la yaabanaayeen soo dhexgalkii Ganacsatada Somaliland qaar
kamid ah iyo rag gacan yare u ahaan jirey Xisbigii Udub ee Madaxwene
Rayaale hogaamin jirey sida Cali Gobanimo oo kale taas oo marka si
dhab ah loo eego sooyaalkii Taariikheed ee Xisbi Xaakimka Kulmiye oo
ay aasaaskiisa iyo kamid ahaanshihiisa qeyb ka ahaayeen Aqoonyahan
badan Siyaasiyiin door ah oo magac iyo miisaan ku leh doorka Siyaasada
dalka,iyadoo ay dadka Xisbigaasi lasocda waayaha uu soo marey iyo
marxaladaha uu kasoo gudbay,nusqaan u arkayeen in uu talada Kulmiye
Madaxweyne Siilaanyo ku ixtiraamo ama u wakiisho xalinta
khilaafaadkiisa Shakhsiyaad aan Bulshadu u arkin in ay door ku yeelan
karaan ama fursad ku helay saaxiibtinimo shakhsi in ay ka dhex
muuqdaan kaalinta Xisbiga waxaanay taasi u muuqataa in Mustaqbalka ay
raad weyn ku yeelan karto hadii aan la daba qaban jiritaanka Xisbiga
Kulmiye, laakiin marka dib loo raadraaco khilaafkii mudada soo
jiitamey ee u dhexeeyay hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xubno kamid ah
Golaha Wasiirada Xukuumada waxa muuqatey in Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye Muuse Biixi Cabdi taageero badan ka haystey shacbiga uu kasoo
jeedo oo la barbar joogsadey in Murashaxnimadiisu tahey mid muqadas ah
oo ka dareen celinayaan diidmada Madaxweyne Siilaanyo diiday
qodobkaasi haseyeeshee, waxey taaso mar kaliya isbadeshay kadib markii
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu kalidii
qaatey go,aan aanu kala tashan taageerayaashiisa diideyna in uu
faafaahiyo nuxurka tanaasulka uu bixiyay iyadoo ay taa u wehelinaysay
qodob siweyn loogaga biyo diiday oo ku Xidhiidhsanaa in Wasiirkii
jagadiisa u waayay in uu barbar joogsado Muuse Biixi ee Dr Maxamed
Cabdilaahi Cumar in aanu Muuse ka qeyb galinin heshiiskii dhex marey
isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo taas oo ay dadka qaarkii uga Tusaale
qaateen in uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagu dameystey laakiin aanu
hoos u eegin in uu heshiiskiisa uu lagalay Madaxweynaha shuruud kaga
dhigo doorkii Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Ganacsiga
iyo Maalgashigu qeyb ka noqdo iyadoo arintaasi xoojisey fikir ay dad
badani ka qabeen in aanu Muuse Biixi(Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye),marnaba tixgalinin rabitaanka Taageerayaashiisa iyo mowqifka
Siyaasiyiinta barbar joogsada ee Saaxiibka dhow yihiin.
Sikastaba ha ahaatee,waxey arimaha Wakhtigan kasioo cusboonaaday Xisbi
Xaakimka Kulmiye mugdi badan galinayaan rajada inta ku hadhsan
Xisbigaasi oo aanay intooda badani raali ka aheyn in mar labaad lasoo
ciyaarsiiyo Siyaasadii Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku damacsanaa in lagu
jiidhsiiyo damaciisa Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Xubnaha
Gudida Fulinta iyadoo, aan la qabanin tartan xalaal ah iyadoo marka
dhinac kale laga daah furona u muuqaneysa in Madaxweyne Siilaanyo
sigaar ah u khiyaameeyay taageerayaashiisa iyo Xubnaha Xisbigaasi
kuwaas oo aan intooda badan aaminsaneyn in Madaxweynuhu ka tanaasulayo
Murashaxnimada uu mararka badan iclaamiyay,iyo aqlabiyada Xisbiga oo
hada kujira Golaha Xukuumada oo aan iyaguna raali ka aheyn hogaanka
Xisbiga,waxaanay xiligan dad badani isweydiinayaan hadiiba ay hogaanka
Xisbiga usoo baxdo fursad uu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalo dad dibada
ka ah Xisbiga sida ay ugu suurtagali karto in uu mar labaad kusoo
ceshado taageerayaashiisii hore ee ka biyo diiday aamuska iyo
isgarbintii ay kala kulmeen Muuse Biixi.
Gabagabadii hadii ay u dhacaan arimaha qaarkooda sida ay hada wadaan
rag ganacsato ah iyo gacanyarayaashii kusoo caan baxey Siyaasadii
Daahir Rayaale ee Udub waxa ay dad badani aaminsan yihiin in Xisbiga
Kulmiye u xuubsiiban doono Siyaasad cusub oo god madow ku ridaysa
rajadiisa Siyaasadeed taas oo ay mar walba kaga lib heli doonaan
Axsaabta Mucaaridka ah qaarkood oo aan layareysan karin wakhti
xaadirkan doorka ay ku leeyihiin giraanta Siyaasadeed ee isabadelada
Arimaha Siyaasada.
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Email:hiiraan2007@gmail.com