HARGAYSA(Wajaalenews) Qodaxda daadasan Qasriga Madaxtooyada waa mid ay adagtahay sida looga badbaado Sidoo kale Qasriga Madaxtooyada hadii aad ka mid tahay Masuuliyiinta ka hawl gasha waxaad halis in Dabaqalooco ku qaniino Dabaqalooco waa Xanbaaratada kaliya ee xaga danbe wax ku qaniina markasta oo uu dagaalamayona sii jeesta. taasi waxay marag cad ka tahay in aanu arkaynin waxan uu qaniinay,
Qaniinyada badaqaloocu waxuu dadka ku reebaa sun xanuun badan oo joog iyo jiifba udiida taasi waxaa ka dhigan hanaanka Siyaasadeed iyo Maamul ee Qasriga madaxwayne Siilaanyo waxaana Bulsho waynta somaliland dhagahooda buux dhaafisay Masuuliyiin Xukumada Madaxwayne Siilaanyo katirsanaa oo ka qaylinaya Sunta xanuunka qayniinyada Dabaqalooca[Madaxwaynuhu Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye iima diidana ee Rag kalaa igu haysta][Waa la igu diraa Madaxwaynaha Rag Wasiiro ah ayaa igu diraya] [Masuuliyiintaasi oo ku dhawaaqaya ma ogayn Madaxwaynuhu xilka qaadistaydii] [Madaxwaynuhu xilka igamuu qaadin] dhamaan Masuuliyiintaasi Waxay eedaynayaan Qof aan awood sharci u lahayn xilka qaadistaasi sidoo kale waxay eedaynayaan qof aan xukumada madaxwayne siilaanyo xurmo wax dhaafsiisan ku lahayn ,
Dhamaan Masuuliyiintaa Sunta qaniinyada Dabaqaloocau jiran ayaa cadaawad iyo cadho badan u haya bahalkan dabaqalooca, sidoo kale waxaa jira masuuliyiin miisaan culus kulahaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay u qaadan waa ku noqotay xilka qaadistoodii, ayaa tilmaamamaa in ay Saaxiib dhaw lahaayeen miciyaha dabaqalooca mid ka mida
Labada Masuul oo u adkaysan kari waayay Sunta qaniinyada Dabaqalooca ayaa hogo tusaaleeyay Wasiirada iyo Masuuliyiinta kaleba in ay ka foojignaadaan hanaanka maamul ee Madaxwayne Siilaanyo Dabaqalooca.
Hadii aan hoos ugu dhaadhacno dulucda maqaalka Sedexdan masuul ee kor ku xusan ayaa ah Jilayaasha nusdanbeedka Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyagoo mudo Afar Sano ah marna aanay damin qaska iyo jahawareerka ka dhextaagan gudaha Xisbiga Kulmiye oo ay Sedexdan masuulba ku taamayaan in ay ka badbaadi doonaan qaniinyada Dabaqalooca.
Balse waxaan indhaha laga qarsan karin qalooca galay dhabihii Dimuqraadiyada iyadoo Xisbiga talada haya ee Kulmiye horseed ka noqday burburinta dimuqraadiyada Somaliland kadib markii golihii dhexe ee xisbiga lagu qaybiyay saami qabiil,
Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Gudoomiye Biixi iyo Samaale aanay maankooda iyo maskaxdooda aanay kabixin xanuunka qaniinyada sunta dabaqalooca balse Qodoxi meesheede wali hankooda iyo damacooda siyaasadeed waxay ka dhexraadinayaan gudaha Xisbiga Kulmiye
waxaanse ka warsugaynaa waxa ay kusoo gabo gabaysanto hanka Sedexdan masuul iyo mushkiladaha ku xeeran.
Sidoo kale Wasiir Maxamed Biixi Oo Aan wali isagu arag xanuunka sunta qaniinyada dabaqalooca ayaa ayay bulsho wayntu aaminsan tahay in aanu marnaba u dhabar adaygeen hantaaqa siyaasadeed ee ay u dhabar adaygeen labadaa siyaasi ee ay isku haybta yihiin.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
WARIYE CABDIQAADIR CABDIRAXMAAN