|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhaqdhaqaaqa Cusub ee Xisbiga Kulmiye Ma Is Hambo-raacin Doontaa Rajada Inta Ayidsan iyo Saadaasha Hortaala In Muuse Biixi Kusoo Ceshan Karo Shacbiyadii Uu Aamuska Ku Sabootiyay
November 8, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Qeybo badan oo kamid ah Siyaasiyiinta ayidsan iyo taageerayaasha Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa, wakhti xaadirkan siweyn uga walaacsan faragalinta dhinaca shacbiga kaga timid Xisbi Xaakimka Kulmiye kadib markii marar badan ay dhinaca Xisbiga iyo awooda Madaxweynaha ka suurtagashey in dhaqdhadhqaaq ka madax banaan Arimaha Siyaasada loo tix galiyo duruufaha isabdel ee Xisbiga Kulmiye. Dadka had iyo jeer faaleeya Arimaha Mustaqbal ee Siyaasada Xisbiyada Somaliland gaar ahaana Xisbi Xaakimka Kulmiye oo mudadii Madaxweyne Siilaanyo gacanta ku hayay Hogaanka talada dalka marar badan uu kuyimid isabadelo hor leh oo ka fogeeyay Xisbigaasi taageeradiisii baaxada laheyd islamarkaana, kala kexeeyay dhinacyadii isku gaashaan buureystey Xisbigaasi ee lagu muquuniyay awoodii Xukuumadii hore ee Xisbiga Udub ayaa, wakhtiyadan dambe u muuqda mid maalinba maalinta ka dambeysa Siyaasadiisu xaadhxaadhaneyso gagi madhan iyadoo, had iyo jeer ka shidaal qaadata siyaabihii burburka iyo kala dhaqaaqa ku keenay Xisbigii Udub marka aynu ka Tusaale qaadano Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005tii ka dhacday dalka waxay astaan u aheyd jabkii Xisbiga Udub kala kulmay Doorashadii dambe iyo jiritaankiisii Xisbinimo kadib markii Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin tix galin badan siiyay dhinaca Ganacsatada islamarkaana, uu hoosta dhigay fikirkii Siyaasiyiintii buddhiga adkaa ee Xisbigaasi waxaanay aakhirkii,saamayn ku yeelatey guuldaradii kutimid iyo jiritaankii Xisbiga Udub labadaba. Hadaba marka dib loo tix raaco raadadka mudooyinkii u dambeeyay iska daba marey Xisbiga Kulmiye ee uu hore u hogaamin jirey Madaxweyne Siilaanyo marka hoos loogu dhaadhaco xaqiiqooyinka raadadkii khilaafkiisu daarnaa mudada badan,waxad moodaa in uu maalmahan dib usoo istaadhmey dabkii hurin jirey khilaafka Kulmiye iyadoo, dad badani la yaabanaayeen soo dhexgalkii Ganacsatada Somaliland qaar kamid ah iyo rag gacan yare u ahaan jirey Xisbigii Udub ee Madaxwene Rayaale hogaamin jirey sida Cali Gobanimo oo kale taas oo marka si dhab ah loo eego sooyaalkii Taariikheed ee Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ay aasaaskiisa iyo kamid ahaanshihiisa qeyb ka ahaayeen Aqoonyahan badan Siyaasiyiin door ah oo magac iyo miisaan ku leh doorka Siyaasada dalka,iyadoo ay dadka Xisbigaasi lasocda waayaha uu soo marey iyo marxaladaha uu kasoo gudbay,nusqaan u arkayeen in uu talada Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo ku ixtiraamo ama u wakiisho xalinta khilaafaadkiisa Shakhsiyaad aan Bulshadu u arkin in ay door ku yeelan karaan ama fursad ku helay saaxiibtinimo shakhsi in ay ka dhex muuqdaan kaalinta Xisbiga waxaanay taasi u muuqataa in Mustaqbalka ay raad weyn ku yeelan karto hadii aan la daba qaban jiritaanka Xisbiga Kulmiye, laakiin marka dib loo raadraaco khilaafkii mudada soo jiitamey ee u dhexeeyay hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada waxa muuqatey in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi taageero badan ka haystey shacbiga uu kasoo jeedo oo la barbar joogsadey in Murashaxnimadiisu tahey mid muqadas ah oo ka dareen celinayaan diidmada Madaxweyne Siilaanyo diiday qodobkaasi haseyeeshee, waxey taaso mar kaliya isbadeshay kadib markii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu kalidii qaatey go,aan aanu kala tashan taageerayaashiisa diideyna in uu faafaahiyo nuxurka tanaasulka uu bixiyay iyadoo ay taa u wehelinaysay qodob siweyn loogaga biyo diiday oo ku Xidhiidhsanaa in Wasiirkii jagadiisa u waayay in uu barbar joogsado Muuse Biixi ee Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar in aanu Muuse ka qeyb galinin heshiiskii dhex marey isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo taas oo ay dadka qaarkii uga Tusaale qaateen in uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagu dameystey laakiin aanu hoos u eegin in uu heshiiskiisa uu lagalay Madaxweynaha shuruud kaga dhigo doorkii Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashigu qeyb ka noqdo iyadoo arintaasi xoojisey fikir ay dad badani ka qabeen in aanu Muuse Biixi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye),marnaba tixgalinin rabitaanka Taageerayaashiisa iyo mowqifka Siyaasiyiinta barbar joogsada ee Saaxiibka dhow yihiin.
Sikastaba ha ahaatee,waxey arimaha Wakhtigan kasioo cusboonaaday Xisbi Xaakimka Kulmiye mugdi badan galinayaan rajada inta ku hadhsan Xisbigaasi oo aanay intooda badani raali ka aheyn in mar labaad lasoo ciyaarsiiyo Siyaasadii Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku damacsanaa in lagu jiidhsiiyo damaciisa Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Xubnaha Gudida Fulinta iyadoo, aan la qabanin tartan xalaal ah iyadoo marka dhinac kale laga daah furona u muuqaneysa in Madaxweyne Siilaanyo sigaar ah u khiyaameeyay taageerayaashiisa iyo Xubnaha Xisbigaasi kuwaas oo aan intooda badan aaminsaneyn in Madaxweynuhu ka tanaasulayo Murashaxnimada uu mararka badan iclaamiyay,iyo aqlabiyada Xisbiga oo hada kujira Golaha Xukuumada oo aan iyaguna raali ka aheyn hogaanka Xisbiga,waxaanay xiligan dad badani isweydiinayaan hadiiba ay hogaanka Xisbiga usoo baxdo fursad uu Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalo dad dibada ka ah Xisbiga sida ay ugu suurtagali karto in uu mar labaad kusoo ceshado taageerayaashiisii hore ee ka biyo diiday aamuska iyo isgarbintii ay kala kulmeen Muuse Biixi. Gabagabadii hadii ay u dhacaan arimaha qaarkooda sida ay hada wadaan rag ganacsato ah iyo gacanyarayaashii kusoo caan baxey Siyaasadii Daahir Rayaale ee Udub waxa ay dad badani aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye u xuubsiiban doono Siyaasad cusub oo god madow ku ridaysa rajadiisa Siyaasadeed taas oo ay mar walba kaga lib heli doonaan Axsaabta Mucaaridka ah qaarkood oo aan layareysan karin wakhti xaadirkan doorka ay ku leeyihiin giraanta Siyaasadeed ee isabadelada Arimaha Siyaasada.
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan) Email:hiiraan2007@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|