WAJAALE NEWS

DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka Faransiiska Ee Nairobi

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hogaaminaayey Safiirka Faransiiska u fadhiya Nairobi Somaliland iyo Somaliya Ambassador Remi Marechaux.

Madaxweynaha oo ugu horayn safiirka warbixin ka siiyey horumarka dalka iyo wixii u qabsoomay mudadii ay somaliland jirtayba ayaa ku dheeraaday in dalkani yahay dal iskii wax u qabsaday, horumar balaadhana ka sameeyey arrimaha Nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka iyo doorashooyinkaba.

“Faransiisku aad iyo aad buu diyaar ugu yahay inuu Somaliland wax la qabsado.waxyaabaha ugu waaweyn ee uu nagala hadlay waxaa ka mid ahaa sidii Shirkado waaweyn oo Faransiis ahi dalkeena wax uga qaban lahaayeen.aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa dawladda faransiiska.waxaanu ka codsanay inay Horumarka Somaliland taageeraan,inay Wada hadalka Somalia iyo Somaliland gacan ka gaystaan,waxaanu ka codsanay inay Golaha amaanka geeyaan qaddiyada Somaliland.waxaanu ka codsanay inay dhanka waxbarashada naga taageeraan”ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay

Madaxweynaha kulankan waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wasiirada Arrimaha Dibeda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version