Xadhiga gudoomiyaha dhalinyarada subeer awal ee jiidali micnaheedu waxa weeye waxa xidhan subeer awal yeelinamayno madaxwayne ;suldaan mawliid
HARGEISA(Wajaalenews);Daawo Salaadiyiin waxgaradka mujaahidiinta beesha subeer awal oo maanta shir jaraaidku qabtay magaalada hargaysa gaar ahan huteelka xaraf ayaa waxay wax laga xumaado ku tilmaameen xadhiga xagdarada ee xukuumada siilaanyo kula kacday gudoomiyihii ururka dhalinyarad subeer awal ee jiidali cabdiraxmaan
http://youtu.be/b2Ijj_ExbJw
Shirkan jaraaid oo ay iskugu yimaadeen madaxdhaqameed aqoonyahan mujaahidiin ayaa dhamaan dadkii halkaa iskugu yimid waxay sikulul u canbareeyeen falalka foosha xun ee ay baryahan danbe lasoo baxday xukuumadu kuwaasi oo iskugu jira xadhig ,qafaalasho, caga juglayn dhamaana lagula kacay shacbiga
Ugu horay halkaa waxa ka hadlay suldaan mawliid sabayso Oo xadhiga gudoomiyaha dhalinyarada subeer awal ee jiidali ku tilmaamay mid aan loodulqadan karin.