WAJAALE NEWS

DAAWO;-Caaqil Cumar Cismaan Oo Soo Bandhigay Xaqiiqada Xurgufta Udhaxaysa Qaybo Kamid Ah Beelaha Dila & Gabiley Iyo Arimo kale Oo Xasaasiya.

Caaqil Cumar Cismaan Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Dhameeyo   Colaada Udhaxaysa Qaybo kamid Ah  Beelaha Gabiley Iyo Dila, Kuna Bogaadiyay  Isbadalka Siyaasada Arimaha Arimaha

TOG WAJAALE(W,N)-Caaqil Cumar Cismaan Aw Muxumed Aare Oo kamid ah Madax-dhaqameedka deegaanada gabiley iyo dila oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalo ganacsiyeedka tog Wajaale ayaa ka hadlay arimo door ah oo dalka ka taagan isagoo ugu horay soo dhaweeyay go,aamada kasoo baxay gidida qaban qaabada shirka kulmiye  oo shuruudo ku xidhay murashixiinta xisbiga ka tartamaya.

Sidoo kale Caaqil Cumar ayaa sheegay in go,aamada kasoo gudida shirka kulmiye ay reer awdal kasoo afjareen hadalo ay wasiirada kasoo jeeda bulshada ku kala qaybinayeen kuwaasi oo mid kastaaba eerkiisa ku lahaa hadii aad doorashada ku gashaan sidii hore aniga ayaa laysiinaya gudoomiye kuxigeenka kulmiye

Dhanka Kale Caaqil Cumar ayaa banaanka keenay xaqiiqada xurgufta qabiil ee Ka dhaxaysa beelaha dega dila iyo gabiley qaybo kamid ah  isagoo meesha ka saaray in beelaha awdal iyo gabiley ay udhaxayso  wax xumaan ahi balse labadaa jufo oo ubaahan cadaalad ay arintu ku kooban tahay

Caaqil cumar cismaan ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu arinta labadaa ardaa dhameeyo isagoo sheegay in ay ubaahan yihiin cadaalad hadii kale uu qoriga iskugu dhiibo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version