WAJAALE NEWS

Degmada Lafta farowayne Oo Markii u Horaysay Ardayda fasalada 8Aad ay u fadhisteen Imtixaanka Shahaadiga ah Iyo Waalidiinta Iyo Masuuliyiin kale Oo fariinta u Diray Wasaarada Waxbarashada.

Farowayne (Wajaalenews) Degmada farawayne oo katirsan Gobolka Maroodi jeex ee casimada hargaysa ayaa mudo dheer ka dib maanta ay ardayda dugsiyada dhexe ee fasalada sideed u fadhisteen imtixaankii Shahaadiga ahaa oo maanta ka bilowday guud ahaan dalka somaliland, saaka ayay ahayd markii degmada farowayne Khaasatan iskuulka hoose dhexe ee lafta farawayne aad ku arkaysay ardayda Oo ku labisan dirayska astaanta u ah dugsiyada hoose dhexe  kuna jira imtixaanka shahadiga ah ee ay qaado wasaarada waxbarashada jsl.

Sidoo kale waalidiinta ardaydan ayaa dareen farxadi ku dheehan tahay ku soo dhaweeyay talaabadan oo ay sheegeen in ay tahay mid hore loo qaaday mid ka mid ah waalindiinta oo arintan ka hadashay ayaa hadaladoodii waxa ka mid ahaa “saaka waxay noo tahay farxad wayn waayo awal inanku marka uu galo fasalka todobaad ayaanu ka fikiri jirnay sidii hargaysa loogu badali lahaa oo culays nagu ahayd ka waalid ahaan maanta se waanagaa joogna caruurtayadii oo ku jirta imtixaankii ay ugu gudbayeen dugsiga sare” hooyadan oo arimahaa kasii hadlaysa ayaa waxay tidhi “xukuumada iyo wasaarada waxbarashada waxan ka codsanaynaa in ay noofuliyaan balantii ay qaadeen iyo dhagax dhigii dugsiga sare oo xiligan ay deegaanku aad ugu baahan yihiin”

waxaa isna  gudoomiyaha gudiga horumarinta deegaanka lafta  farowayne Mr Ismaaciil Aadan Habane oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko talaabadan ay hore u qaadeen mudadii uu xilkan hayay ayaa wasiirka Waxbarashada somaliland uga mahad celiyay talaabooyinkan horumarineed waxaanu  yidhi “runtii farxad ayay noo tahay in maanta ardayda reer farowayne la mid ahaadaan kuwa ay isku dhiga yihiin una fadhiistaan imtixaankii fasalada sideedaad oo ah markii ugu horaysay taasina waxay ku timid isku duubnida bulshada deegaanka faro wayne”

dhanka kale gudoomiyaha gudida horumarinta deegaanka lafta farawayne  Ismaaciil Aadan Habane ayaa baaq u diray wasaarada waxbarashada iyo guud ahaan xukuumada  wuxuuna yidhi “waxaan wasaarada waxbarashada iyo xukuumada dhexeba ka rajaynayaa in dhakhso loo bilaabo dugsigii sare ee degmada oo hore loo dhagax dhigay xiligana ay tahay in deg deg loo dhiso maadaama ay ardayda intaa leeg ee maanta imtixaanka gashay aanay haysay dugsi sare oo ay galaan degmada faro wayne .

Waxaa isna Dareenkiisa ka hadlay Gudoomiyaha Deeganka lafta  farawayne Cabdi Ismaciil (Cabdi San xun) oo wasiirka wasaarada waxbarashada dhambaal hambalyo ah udiray isagoo sheegay in wasiir habane noqon doono wasirka  lafta farowayne  ufuliya balantii uu qaaday iyo dhagax dhiga dugsiga are ee uu isaga dhagaxa dhigay.

Waxaan leeyahay wasiir waxaan kugu hambalyaynaynaa sida aad heegan ugu tahay gudashada shaqada qaran u hayso , ayuu yidhi

 

Degmada   farowayne ayaan  ahayn degmooyinka  sida fiican uga hirgalineen  kor u kaca waxbarasho ee ay badi gaadheen deegaanada kale ee hoos yimaada caasimada hargaysa.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

 

Exit mobile version