WAJAALE NEWS

DAAWO;Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Doortay Hogaankooda.Xilkiina La Wareegay iyo Dareenada Mucaaridka

Hargeysa(Wajaalenews)kulan saacado qaatay oo ay maanta yeesheen Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa lagu doortay Hogaanka Guddida ka dib markii Shalay xilka loo dhaariyay todobada xubnood.

Gudoomiyaha Guddida waxaa loo doortay Cabdiqaadir Iimaan Warsame, halka Gudoomiye xigeen loo doortay Maxamuud Xasan Wacays , iyadoo afhayeenka guddidana loo doortay Siciid Cali Muuse.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ka biyo diiday Doorashada hogaanka, iyagoo ku dooday in hagaanka uu wada qaatay Xisbiga Kulmiye, arintan ayaa sababtay in muran hadheeyo Xafladda oo ay barbar socotay xil wareejinta ay Guddidii hore oo xilka ku wareejinaysay guddida cusub, hase ahaatee Aakhirkii Xisbiyadu waxay sheegeen inay Ogolaadeen doorashada balse ay cabasho ku saabsan doorashada hogaanka u gudbin doonaan Komishanka.

Guddida ayaa Shalay lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa, waxaana la filayaa inay ilaa bari u baxaan Tababar ku saabsan hab maamulka Doorashooyinka oo dalka Kenya loogu qabanayo, iyagoo intaasi dibna hawlahooda diyaarinta doorashada sanadka dambe guda gali doona.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version