WAJAALE NEWS

Boqortoyada Britain Oo Udigtay Ruushka.

bretainLondon(Wajaale News):-Mr Cameron ayaa Ruushka ku eedeeyay inay ku xadgudbeen xeerka caalamiga ah, wuxuuna Ruushka ku sheegay inay cuuryaamineyaan madaxbannaanida qaran uu leeyahay.

Ra’iisul wasaare David Cameron ayaa sheegay in Britain ay diyaar u tahay cunna qabateyn dheeraad ah oo la saaro Ruush-ka, haddii xukuumadda Moscow aysan joojinin tallaabooyiinka sharcidarada ah ee ay ka wado Bariga dalka Ukraine.

Mr Cameron ayaa Ruushka ku eedeeyay inay ku xadgudbeen xeerka caalamiga ah, wuxuuna Ruushka ku sheegay inay cuuryaamineyaan madaxbannaanida qaran uu leeyahay.
Balse, Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegay inaysan hadda raadineynin dagaal qabow.
Waxa uu sheegay inuu madaxweyne Putin uu kula kulmi doono kullanka G8 ee isbuucan lagu qabanayo Australia.

Hargaisa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version