WAJAALE NEWS

Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukumadda Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Wakhtiga La Qabanayo Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Wajaalenews) Saddexda Xisbi qaran iyo Xukumadda Somaliland ayaa ku heshiiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada la qabto 15-k bisha December ee sanadka 2016-ka, waxaana laga noqday go’aankii golaha guurtida ee ahaa in doorashada la qabto sanadka 2017-ka.

https://youtu.be/HIPeiokKCIg

Kulan saacado badan qaatay oo saddexda xisbi iyo Xukumadda ku dhex maray qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo bandhigay caawa heshiiska oo ay isla wada qaateen dhamaan dhinacyada.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay u socday saddexda Xisbi iyo Xukumadda oo lagu lafo gurayay muranka ka dhashay mudada 22-ka bilood ah ee guurtidu u kordhisay Xukumadda iyo Wakiilada.

  1. Waxaanu Ixtiraameynaa Go,Aankii Golaha Guurtida Ee Kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha ,Ku Xigeenkiisa Iyo Golaha Wakiilada Somaliland
  2. In Doorashaada Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu Ay Qabsoomaaan Bisha 12 Ee Sanadka 2016
  3. Waxaa Ay Saddexada Xisbi Qaran Ucid, Wadani Iyo Kulmiye Ku Talinayaan In Dooroshooyinku Qabsooman Bisha 12 Ee Sanadka 2016 Iyada Oo Kominshanka Doorashoyinku Uu Soo Jeedin Doonan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku
  4. Maadama Oo Saddexada Xisbi Qaran Ay Ku Hishiiyen Wakhtiga Doorashooyinka Waa In Kominshanka Doorashooyinku Soo Jeediyaan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku Isla Markaana Waxaa Aanu Soo Jeedineynaa In Madaxweynuhu Digeertu Ku ansixiyo Maalinta Doorashooyinka .

Exit mobile version