WAJAALE NEWS

Wariyeyaasha Al-jazeera Oo 300 Oo Maalmood Ku Xidhan Masar

Qaahira(Wajaalenews). Suxufiyiinta Telefishanka Caalamiga ah ee Al-jazeera Baher Maxamed, Maxamed Fahmi iyo Peter Greste, ayaa 300 Oo Maalmood ku xidhan wadanka Masar.

Maxamed Fahmi iyo Peter Greste, ayaa Maxakamad Masar ku taal ku xukuntay 7 sano oo xadhig ah, halka Baher Maxamed lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyay inay Caawiyeen Argagixiso, islamarkaana fidiyeen warar been abuur ah.

Maxakamadda Masar ayaa kulan iskugu iman doonta 1-da January, si loo eego inay tixi galiso Rafcaanka laga qaadanayo Xukunka wariyeyaasha.

Telefishanka Al-jazeera ayaa Jimcahan Baahinaya barnaamij ku saabsan dariiqii uu soo maray Xadhiga,maxakamadaynta iyo Xukunka wariyeyaasha, kaasi oo ka kooban saddex boqol oo seken(300 Seconds), waxaanu seken walba u taagnaan doonaa maalin ka mid ah maalmaha ay ku qaateen Xabsiga.

Xadhiga iyo xukunka wariyeyaashan ayaa cadho badan ka abuurtay dunida, waxaana ka hadlay madax sare oo Caalamka ah iyo Hay;addo u dooda Xuquuqda Aadamaha, iyadoo si gaar ah warbaahinta Caalamku uga cadhootay una muujisay sida xukunka wariyayaashaasi u yahay mid sharciga baalmarsan.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version