WAJAALE NEWS

“Madaxweynuhu Muu Asaasaqin Oo Wuu Caafimaad Qabaa, Waanu Ogyahay Inaan Ahay Wasiirka Maalliyada .

“Madaxweynuhu Isaga Ayaa I Magacaabay Ee Waxaan Cambaaraynayaa Kuwa [Hadalkiisa] Ka Dhigay In Uu I Mooday WAsiirka Waxbarashada”

Hargaysa  (Wajaalenews)- Wasiirrada Wasaaradda Maaliyadda Somaliland  Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa Huf iyo been ku tilmaamtay warar ka dhan ah xilkeeda oo ay warbaahinta maxalliga ahi maalmihii u dembeeyey qorayeen.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in la qalloociyey hadal uu toddobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Jaamacadda Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag oo xafladdii qalanjibenta dufcadda koowaad ee jaamacaddaasi ay ka qayb galeen waftigii madaxweynaha ee socdaalka gobollada bari ku marayay.Samsam

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad uu ka jeediyey qalanjebinta dufcadda koowaad ee Sanaag University waxa uu kaga warramay qorshayaasha wax qabad ee xukuumaddiisu ugu talo gashay inay bulshada u qabato iyo baahiyaha kala duwan ee ka jira gobollada bari kaasi oo gobolka Sanaag ka mid yahay, isla markaana dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo baahiyaha aasaasiga ah ay isaga iyo weftigiisu u kuurgalayaan kadib marka  uu socdaalkoodu dhammaado ee ay caasimadda ku noqdaana ay ka hawl gali doonaan sidii loo wajahi lahaa fulinta baahiyaha ay socdaalkooda ku soo arkeen.  Madaxweynaha ayaa gebogabadii khudbadiisa isaga oo ku hal qabsanaya xubnaha waftigiisa waxa uu shacbiga reer Sanaag u sheegay in ay goob joog yihiin wasiirrada saamaynta ku leh arrimaha dhaqan dhaqaale, caafimaad iyo waxbarasho, kuwaas oo uu tilmaamay in iyaga oo ka shidaal qaadanaya khudbadiisa isla markaanna ku dabbaqaya waxyaabihii ay socdaalkooda ku arkeen ee baahi ah ay fulin doonaan wixii hawl qabad ah ee ay xukuumad ahaan ka qaban karaan baahiyahaas. Haddaba warbaahinta maxalliga ah gaar ahaanna baraha internetka ee wararka soomaaliga baahiya ayaa socdaalkaasi ka dib waxa ay bogagooda hor ku baahiyeen  waslad ka mid ah  muuqaalka khudbadii madaxweynuhu madasha ka jeediyey kuwaas oo ay ku suntan halqabsigii madaxweynaha ee wasiirrada maalliyada, caafimaadka, iyo waxbarashada.

 

Jawaabta Wasiir Samsam

 

Wasiirrada Maalliyada Somaliland Marwo Samasam Cabdi Aadan Oo ka jawaab celinaysa wararkaas ay warbaahintu ka qoreen ayaa hoosta ka xarriiqday in la qalloocinayo khudbadda madaxweynaha, iyada oo ku tilmaamtay hadalkaas mid halmaan ah balse madaxweynuhu yahay masuulkii iyada magacaabay, waxaana qoraal baraha xidhiidhka bulshada ee Social Media ay xalay baahiyeen oo ay wasiirrada ka soo xigteen  ayaa Hubaal Media halkan idinku soo bandhigaysaa. Waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Wasiirradaw asaaradda Maaliyadda Somaliland Zamzam Cabdi Aadan, ayaa markii ugu horaysay Ka hadashay hadal uu todobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo ka sheegay Magaaladda Ceerigaabo,kaas uu ku sheegay Wasiir Zamzam inay tahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland. Wasiirka oo qoraal kooban ku baahisay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Faceboog-ka, ayaa u dhignaa sida tan:  “Madaxweynaha Somaliland wuu ogyahay in aan ahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuiryadda Somaliland, isaga ayaana ii magacaabay. Waan ka xumahay oo aan cambaaraynayaa kuwa ka dhigaya in uu i moodayo Wasiirka Waxbarashada. Wuu caafimaad qabaa, halmaan halmaan hadalka kuma jiro. Muu asaasaqin ee beenta joojiya”. Ayay tidhi Zamzam Cabdi Aadan.

 

Xigasho Hubaal

Exit mobile version