WAJAALE NEWS

Warar Faahfaahinsan oo kasoo baxay dagaalo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab

GAROOWE(Wajaalenews); — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwo taabacsan Al-shabaab buuraha Galgala ee gobolka Bari, iyadoo labada dhinac uu khasaare kasoo gaadhay.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay ku qabsadeen howlgalkan saldhiggii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahayd buuraleyda galgala, isagoo xusay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysanaa.

“Dhankeenna hal askari ayaa nooga shahiiday, Al-shabaabna khasaare aad u badan ayaa loo geystay, balse ma sheegi karo lambar go’an,” ayuu Gaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da.

Wararka laga helayo aagga ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid xooggan, labada dhinacna uu soo gaaray khasaare, balse illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas uu sababay lama oga.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dhallinyarada reer Puntland ee ka tirsan Al-shabaab inay haystaan muddo 30-maalmood ah oo ay kaga soo baxaan ka mid ahaanshaha kooxdaas.

“Dhallinyarada Puntland kasoo jeedda ee ka tirsan kooxda Al-shabaab 30-casho oo ay kaga soo baxaan kooxdan ayaan u qabannay, ruuxii xilligaas kaga soo baxa dowladdu cafis ayay u fidinaysaa,” ayuu hadalkiis ku daray C/weli Gaas.

Ciidamada Puntland ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday Galgala oo ah goob ay muddo sannado ah saldhigyo ku lahaayeen koox gacan-saar la leh Al-shabaab, iyagoo dhowr jeer ay dagaallo ku dhexmareen aaggaas ciidammo ka tirsan kuwa Puntland

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version