WAJAALE NEWS

Madaxweynaha JSL oo qaabiley Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Hargeisa(WajaalenewsMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso oo uu wehelinaayey Ambassador Nairobi u fadhiya Ingiriiska Mr. Neil Wigan.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta EU-du ka wada hadleen arimo ay ugu muhiimsan yihiin wakhtiga doorashooyinku dhacayaan iyo Guddida Madaxweynuhu u magacaabay Komishanka.

“Waxyaahaba ugu waaweyn eenu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinka iyo wakhtiga ay dhacayaan iyo Dadka Cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashada oo ay aad ugu faraxsan yihiin inay dumarna ku jiraa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in Doorashooyinku wakhtigoodii dhacayaan, Dadaal xoog lehna aanu samaynayno oo aanu ku dededaalayno in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”

Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa isna sheegay in kulanka Madaxweynaha uu la qaatay ay xoogga ku saareen sidii loo sii wadi lahaa hanaanka Dimuqraadiyadaynta iyo in wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen. Waxa uu sheegay in Kulamo uu la yeeshay Xisbiyada qaranka, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka go’an tahay in doorashada la qabto sanadka loo asteeyay ee 2015-ka.

 

 

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali XaajI Xasan,

Exit mobile version