HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xadhiga ka jaray Qaadashada ama Bixinta Baasaaboorada Cusub ee loo yaqaan E-Passport kaasi oo Muwaadiniinta Reer Somaliland ay wixii ka danbeeya Maanta qaadan doonaan.
waxaana madaxweynuhu uu noqday Qofkii u horeeyey ee qaata Baasaaboorkaasi isla markiiba waxaana halkaasi faah-faahin dheer ka siiyey Madaxweynaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada. iyo taliyaha laanta socdaalka