WAJAALE NEWS

“Samaynta Mulkiyad Been Abuura Iyo Cadaalad Darada Maayar Soltelco Nagula kacay, Waxay Dhaawac Ku Tahay Somaliland ”Dhibane Naasir Cabdilaahi

“Musuq maasuqa, Wax Isdaba Marinta Iyo  Samaynta Mulkiyadaha Been Abuurka ah Waa Arin Uu Caadaystay Maayar Soltelco Una Baahan In Madaxwayne Muuse Biixi Wax ka Qabto,” Dhibane Naasir Cabdilaahi Nuur.

HARGAYSA(W,N) Muwaadin u Dhashay Dalka Jabuuti Isla Markaana Caasimada Somaliland Ay Qoyskoodu ku leeyihiin Hanti Ma Guurto ah Iyo Dhismayaal ku yaala Badhtamaha Magaalada Hargaysa ayaa Mudooyinkii U danbeeyay Wuxuu Cabasho Xoogan Ka Muujinayay Maayarka Caasimada Hargaysa oo uu sheegay in uu sifo sharciga baalmarasan mulkiyad been abuura ugu sameeyay dad kale  kuwaasi oo lagu Min Guurinayo Hantidooda ay ka Dhaxleen Aabahood.

Sidoo kale Cadaalada Uu Tirsanayo Muwaadinkan u dhashay Dalka Jabuuti Oo Wakiil ka ah Qoyskooda ayaa Waxay Gaadhay In Dawlada Jabuuti kala Hadasho Dawlada Somaliland iyo Haayadaha ay khusayso Arintani  oo ay Ugu baaqeen  in deg deg Wax looga qabto Falkan lagula kacay Muwaadinkan u dhashay dalkeeda.

Isagoo Arimahaasi ka hadlayana Naasir  Wuxu yidhi “Arinta Sharciyada baalmarsan Ee Maayar Soltelco Gurigayagii Uu Mulkiyad Been Abuur ah Ugu Sameeyay ninka Lagu Magacaabo Axmed Cali Xaaji Maxamed oo aan Meelna ka Soo galin Lahaanshaha Gurigan waxay cadaynaysaa Musuq Maasuqa Iyo Cadaalad Darada ka Jirta Dawlada Hoose Ee Hargaysa, Waxaana Masuuliyadeeda leh Maayar Cabdiraxmaan Soltelco.

FIIRO GAARA JUWANKA BEEN ABUURKA HALKAN KA EEG;

Waxaan Bulshada reer Somaliland ku Wargalinayaa Gaar Ahaan Dadka Kireeya Guryahooga in ay si Dhow  u Ogaadaan Guryahooga in  mulkiyado loo Samaytay maadaama aamin la,aan ka jiro maamulka Dawlada Hoose ee caasimada Hargaysa, Taasi Oo Xataa lagu Dhaco Baananka lagagana Sii Qaato Lacago Xad dhaaf ah oo xaaraan ah,

Sexeexa iyo Bixinta  Mulkiyadaha  Maaha Mid lagu Aamini Karo masuuliyadeeda Maayar Soltelco Waxaan madaxwaynaha usoo jeedinaynaa in  Arintaa wax laga qabto” Arintan Cabashada Muwaadinkan Reer Jabuutiga ah ayaa Mudooyinkii U danbeeyay Waxay  Warbaahinta Maxaliga ah ee ka hawlgasha Gudaha Somaliland si wayn wax uga qoraysay soona Bandhigaysay  cadaymo muujinaya    Sida Sharciga baalmarsan ee Dawlada Hoose Mulkiyado been Abuura Ugu sameeyeen  Qof kale oo Aan Ahayn Qoyska leh dhismayaasha qadiimiga ah, sidoo kalena aan   meelna kasoo galayn lahaashaha Guryahan waxaanay tani amakaag ku noqotay cidkasta oo falkan aragta  iyadoo mulkiyadaa  been abuurka ah lagu dhacay Bangiyada Dalka Qaarkood.

 Hadaba Naasir Cabdilaahi Nuur ayaa Sheegay in maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ay ka Socoto Dacwad ay Looyaro U Doodayaan Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuur u soo Gudbiyeen Maxkmada taasi oo ka Dhan ah  falka Sharciga Baalmarsan ee Dawlada Hoose kula Kacday Hantida Qoyskan Qareenada ku jira kiiskan ayaa iskugu jira kuwo caalamiya  iyo kuwa u dhashay Somaliland waxaana laga warsugayaan talaabada ay maxkamadu ka qaado,

 HALKAN HOOSE KAGA BOGO CADAYMAHA MULKIYADA BEEN ABUURKA IYO QORAALKA DAWCADA EE AY GUDBIYEEN MAXKAMADA GOBOLKA  QAREENADA UDOODAYA MUWADIN REER JABUUTI AYAA  ISKUGU JIRA KUWA CAALAMIYA KUWA SOMALILAND,

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version