USA (Wajaalenews)– Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay rejaynayaan in wadahadallada Somaliland ay ka soo baxaan midho dhal iyo midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal dheer oo uu shalay ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Madaxwaynaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo qaadey in ujeeddada odayaal dhaqameedkii Somaliland yimid horaantii sanadkan ay ahayd inay ka shaqeeyaan midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaanu sii wadeynaynaa Wadahadallada Somaliland, annaga oo hoosta ka calaamadinayna Midnimada waddanka, oo aan ahayn xoog, laakiin ah is qadarin iyo is faham”
Xasan Sheekh, waxa kale oo uu sheegay “Ma sii wadi doono oo kaliya Wadahadallada Somaliland, laakiin waxaanu kalsooni ku qabnaa inay midho dhali doonaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Sanadkii tagey hoggaamiyayaasha dhaqanka ee la ixtiraamo ayaa Muqdisho ka tagey, waxayna Mareen gobollada dalka, waxayna ku dhawaaqeen inay xallinayaan (Faraqa), taasi oo qaadan doonta sanado….”
Laakiin, wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arrintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xasan Sheekh Maxamuud Wuxuu kamid yahay inta cadaysatay cadawtinimada Somaliland, Gobolladeeduna waa 13, Isagu Barigii Siyaad Barre Ayuu Ogaa. Sidaa daraadeed isagoo fadhiya Xamar hadalku yidhi waxba kama khuseeyaan Somaliland, isagu wuxuu ogaa wakhtigii Siyaad Bare, lakiin Somaliland hal gobol maaha ee waa 13 gobol.”
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM