WAJAALE NEWS

Maamulka Jaamacada Timacade Oo Udiiday Hoolka Jaamacada Ardayda Fasalka Afraad Ee Dugsiga Sare Qalax

GABILEY(Wajaalenews) Maamulka Jaamacada Timacade University oo Ah Jaamacada kaliye ee ku taala Gobolka Gabiley islamarkaana mudo jirtay walise aan si fiican u tisqaadin ayaa waxay fal sii kala fogaynaya ardayda dugsiga sare ee qalax iyo jaamacada ku kacay maamulka jaamacada oo ardayda u diiday in ay xaflad ku qabsadaan hoolka jaamacada .

Hadaba arinta ayaa waxaa ka warbixiyay macalin cabdi cali xirsi oo kamida ah barayaasha dugsiga sare ee qalax secondary ayaa Sheegay in uu diidmo qayaxan kala kulmay qaarkamida masuuliyiinta jaamacada timacade oo ay ka dalbadeen in ay hoolka jaamacada kusoo bandhigaan wargays lixbiloodleh ah ay soosaaraan ardayda fasalka afraad ee Dugsiga Qalax.

Macalinkaa ayaa intaa ku daray in masuuliyiinta jaamacada ee uu lakulmay ay u sheegeen in iskuulku iska bixiyo kirada hoolka oo dhanayd $400(afar boqol dollar) taasi oo macailnku u arkay in jaamacadu ardayda diidan tahay,ardayda ayaa doorbidaysa in munaasibadan loogu qabto hoolka jaamacada maadaama ay sanadkii ugu danbaysay iskuulka ku jiraan iyo sidoo kale markii ugu danabaysay ee ay wargayskaasi oo saaraan,

Taladaasi markii ay ardaydu soo jeediyaan anigu waxaan islahaa jaamacadu ardayda intaa tiro leeg fursad ayay uga faaiidaysan , fursadbayna u tahay jaamacada ee waliba sanadkan baxaysa, iyagoo u sheegaya kuliyadaha diyaarka ah iyo kuwa ay soo wadaan. lakiin xataa waanwaydiiyay oo waxaan ku idhi ardayda miyaydaan u baahnayn? waxayna iigu jawaabeen in maamulka jaamacadu isla qaateen in laga kireeyo hoolka oo jaamacada dhaqaale kasoo galo sida waxa yidhi .macalin cabdi cali

Jaamacadaha dalka ayaa inta badan buuqda ardayda ku jira dugsiyada fasalada afraad ee dugsiyada dalka iyagoo intaa usoo bandhiga kuliyadaha kala duwan ee ay u hayaan ardayda soo baxaysa iyagoo maamulka iskulkana ka codnasada in ardayda loo fasaxo,

Halka jaamacada gabiley ee kacaa kufaysaa ay albaabada ka xidhatay ardaydii sanadkan kasoo baxaysa oo cagahooda ugu yimid in ay jaamacada xaflad ku dhex qabsadaan, lakiin jaamacadu fursadaan lumisay, iyadoo arintani ku keeni doonto in ardaydaasi aanay gali doonin jaamacada gabiley

Jaamacada gabiley ayaa inta badan ka cabata arday soo galaysa oo yar badanaana ay galaan jaamacadaha kale ee dalka

Dhacdadan diidmada hoolka ee maamulku diiday ayaa muujinaysa in maamul xumo baahsani ka jiro ee aanay jirin arday yaraan

Exit mobile version