WAJAALE NEWS

DAAWO ;Diwaangalinta Madaniga Ah Oo Hargeysa Ka Bilaamatay

Hargeysa(Wajaalenews) Diwaangalinta Madaniga ah ayaa si Tijaabo ah maanta uga bilaamatay Magaalada Hargeysa, iyadoo dadkii ugu horeeyay ee qaatay noqdeen Wasiirada Xukumadda iyo Madaxdhaqameed ku sugnaa Munaasibada lagaga dhawaaqay.

Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inay si Tijaabo ah u bilaamatay Diwaangalinta Muwaadiniinta islamarkaana loo baahan yahay in Bulshadu si mugleh uga qayb qaadato.

 

Munaasibada Lagu shaaciyay bilawga Diwaangalinta oo lagu qabtay Guriga Shaqaalaha ee Hargeysa waxaa goob joog ka ahaa islamarkaana goobta ku qaatay kaadhka Dhalashada Wasiirka Arrimaha gudaha Cali maxamed Warancade, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco,, wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shiire, wasiirka Warfaafiinta Cabdillaahi Cukuse, Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Salaadiin.

“Waxaa Ilaahay Mahadii ah, wakhti dheer iyo talooyin badan ka bacdi inaynu maanta bilawno Kaadhka Jinsiyadda dhalashada Somaliland oo ah Arin 23-kii sanadood ee u dambeeyay qorshaheedu socday balse maanta inoo bilaamatay.hadda tijaabo ayaanu ku bilawnay laakiin si rasmi ahna way u bilaamaysaa” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu

Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay inay u tartamaan Qaadashada Kaadhka Dhalashada “Waxaan jeclahay inaan halkan uga jeediyo Bulshada Somaliland, Kaadhkani waa dhalashadiinii,Waa Jinsiyaddii aad Somaliland u lahaydeen, waa waxa uu Caddawgeenu la dagaalamayo inaynaan qaadan.waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad Safafka ku soo degdegtaan oo aad Boobtaan oo Nin ba ninka kale uga horreeyo” ayuu yidhi Wasiirku

Wasiirada Xukumadda oo halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay diwaangalinta Madaniga ah, iyagoo ku tilmaamay talaabo hore loo qaaday Bilawga Diwaangalinta.

Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukumadda ayaa dhawaan ku heshiiyay in Diwaangalinta Madaniga ah la bilaabo ka dib markii lagu heshiiyay inaanay is Carqaladayn diwaangalinnaha Madaniga ah iyo ta codbixinta.

 

Exit mobile version