Hargeysa(Wajaalenews)- Qaar ka mid ah Cuqaasha Gobolka Maroodijeex iyo Madaxda Gobolka Maroodijeex oo maanta Shir Jiraa’id ugu qabtay wada jir Hargeysa ayaa sheegay in la galayo Diwaangalinta Madaniga ah islamarkaana aan loo joojinayn dadka ka soo horjeeda.
Cuqaashu waxa ay sheegtay inay Xukumadda ku taabacsan yihiin qabashada diwaangalinta Madaniga ah oo maalmihii u dambeeyay muran hadheeyay ka dib markii Mucaaradku qaadacay.
“Waa inaynu sidaasi lay noogu soo dhigay u qaadano Diwaan galinta Madaniga ah, dadka ka soo horjeeda ee yaan la qaadanin lehna inaga inooma taalo.Inagu waynu fahanay in waxu yahay wax Xalaal ah, markaa haddii ay xalaal noqotay waa inagu waajib inaynu qabano, waynu taageeraynaa, qofka diidana waxaanu leenahay Somaliland ayuun baad lugta jiidaysaa” Ayaa ka mid ahaa hadalka Cuqaasha
Cuqaasha ayaa Diwaangalinta Madaniga ah ku tilmaamay mid Citiraaf horseedaysa islamarkaana adkaynaysa kala fogaanshaha Somalia iyo Somaliland “Waxa weeye wixii Somaliland iyo Somalia kala kaxaynaya ee sidaynu u kala tagnay sii adkaynaya ayay Cuqaashu Masuul ka tahay oo ay ku citiraafsan tahay in la galo Diwaangalinta, Somalia ayaanu kaga fogaanaynaa sidaas baanuna ku qaadanay” ayuu yidhi Caaqil Halac Colaad oo isna ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id.
Maxamed Maxamuud Jeeniyare Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, ayaa dhamaadkii Kulanka Cuqaasha waxa uu uga mahadceliyay siday ay isku barbar taageen Diwaangalinta Xukumaddu wado. Waxa uu sidoo kale sheegay in la galayo diwaan galinta “Maanta ka hadli mayno ma la galayaa mise lama galayo ee waynu galaynaa diwaan galinta waynuna isla qaadanay” ayuu yidhi Jeeniyare.
Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay diidmada Madaxdhaqameedka ee Diwaangalinta Madaniga ah. Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Maroodijeex iyo Togdheer ayaa hore u qaadacay sheegayna inaanay aqbalay Diwaangalin lagu muran sanyahay.