WAJAALE NEWS

Dhacdo Naxdin Leh: Gabadh Qoorta Laga Jaray Oo Laga Helay Waqooyiga Magaalada London.

London(Wajaalenews)-Booliska magaalada London ayaa bilaabay baadhitaanka dil ka dib markii gabadh qoorta laga jaray laga helay woqooyiga magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Adeegyada degdega ah ayaa loogu yeedhay ilaalinta hantida ku dhow wadada Nightingale Road abbaara 1:00 duhurnimo markii wararku sheegen in nin ku hubaysan billwaae amase waran uu aagga joogay.

Saraakiisha ciidamada ayaa soo bandhighay gabadhan oo ku sugan beer isla wakhtigaas waxay ku dhawaqeen inay dhimatay. Booliska ayaa sheegay inaanay hayn wax cadymo ah ama sheegaya in dilkani ahaa mid argagixiso oo la hubo .

Nin 25 Jir ah ayaa loo xidhay falkan ka dib markii ciidamadu ka shakiyeen inuu ku lug lahaa falkan waxaana uu hadda ku jiraa xabsiga, mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa ku dhaawacmay intii lagu gudo jiray sooqabashada wiilkan , waxaana la aaminsan yahay in sarkaalku uu dhaawaciisu culus yahay waxa uuna ka jabay curcurka.Dadkii goob joogayaasha ahaa waya waxay xaqiijiyeen inuu agagaarka joogay nin ku hubaysan billaawe xiligii qadada.

DCI John Sandlin oo ah sarkaalka hogaaminaya baadhitaanka ayaa yidhi’ waad arki kartaa weerarkani waa halis inuu ka dhaco maalin cad wadada ay dadku degan yihiin, waan fahmi karaa dadku way ka waalacayaan arrintan”

” wali waa wakhti hore in la falanqeeyo sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarkan, waxaanse ku kalsoonay anigoo ku salaynaya macluumaadka aan helayno inaan arrintani la xidhiidhin argagixiso saraakiisha maxaliga ah iyo dambi baadhayasha khaaska ah ayaa arrintan ku hawlan illaa hadda, saraakiisha isku xidhka qoyska ayaa loo gayn donaa si ay qoyska u taageeraan waxaan ka codsanynaa in si gaar loo taageero wakhtigan adag” ayuu yidhi ninkan hogaaminaya baadhitaanka ladoonayo in lagu ogaado sababta ka dambaysa dilkan.

Exit mobile version