Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo
Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo waxkasta oo aad ku haysato ama aad ku tabcato.
Waana sida soo socotaa
1. Ta-da gabay baryahan waanigaan tirinin luuqdiiye
2. Layskama turqee waayahaa lagu tusmeeyaaye
3. Xaluunbaan tirtii dhexe hurdada taajud lay yidhiye
4. Tifafaalihiyo waayahaan toos u faaqidaye
5. Tubta sare cirkiyo meel fog-baan tooxshey faalada e
6. Todobada cishiyo maalmahaan tiriye nuurow e
7. Tabaalada aduun-baan rabaa inaan tilmaamaaye
8. Tusaaliyo waxaan bixinayaa taliyo faalayne
9. Bal tixraaca maansadan aduun tobanba waa cayne
10. Tiigsiga wax kaamaqan naftuna tabayso waa howle
11. Todobada aduun kii hantiyo kaan tunaba haynin
12. Mar hadaan ninaba
tows la’ayn tamari yeelkeeede
13. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa beene
14. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka
15. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin
16. Aduunyaduba waa laba tus iyo toban dharaarood e
17. Tiix iyo abaarbaa isku xiga teeriyo ayaane
18. Tusmo lagu nagaadiyo malaha teed barwaaqo ah e
19. Tiro buuxda inay yeelatana tahali maysaane
20. Tab kastiyo ninkii xeel yaqaan turuq si loo maalo
21. Ama talo wanaag iyo aqoon taaba gala yeesha
22. Ama tii ducada waalidkii tahane loo buuxshey
23. Mar hadaan midnaba taajir nimo nolol ku taabaynin
24. Tamootida wadkiyo aakhirana kaga talaabaynin
25. Tirsi malaha meel loo noqdiyo mug iyo taariikhe
26. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa beene
27. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka
28. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seegin
29. Tusmo wacan haween iyo caruur tubada soo buuxsha
30. Tulud geela adhi teedsan iyo sac iyo beer taam ah
31. Ama daaro xaradh lagu tidciyo tamashle gaadiid ah
32. Ama maal lasoo toobiyo kuman tafaariiq ah
33. Ama ay tab iyo xeeladiyo tamari kaa buuxdo
34. Ood turuqyo wayntahay jidhkuna taamku yahay xooga
35. Mar haday naftuba tii alliyo sugayso time-keeda
36. Oo aan tashiil iyo bur-dhaaf tuna la eegaynin
37. Oo aan ninaba talo aduun turuq ku waaraynin
38. Teembada wadkuna xowlal-kiyo sudhantey tuurteena
39. Tasbiixdiyo waxaa ila gudboon inan tartiibtaaye
40. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa been e
41. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka
42. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin !
Dhamaad
By Abwaan Abdirashid Harir Mohamed- Hargeisa Somaliland.