WAJAALE NEWS

Baaq Nabadeed Oo ka Socda Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Turkey,

ANAGOO KU HADLAYNA MAGACA URURKA ARDAYDA REER SOMALILAND EE TURKEY “ SOMALILAND STUDENTS ASSOCIATION IN TURKEY(SSAT)” IYO KA JAALIYADABA, WAXAAN U BAAQ NABADEED UDIRNAYNAA LABADA GARAB EE GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND.

Marka hore waxaan la hadlaynaa golaha wakiilada, marlabaad waxaan ugu jawaabaynaa nin ka layidhaa NICHOLAS KAY oo qaramada midoobay uqaabilsan Somali, oo shalay ka hadlay arimo khuseeya SOMALILAND.

Marka hore waxaan baaq nabadeed udiraynaa labada garab ee golaha wakiilada JAMHUURIYADA SOMALILAND, oo aanu leenahay umada waxaad u haysaan shaqo qaran, oo masuuliyadeeda la idin waydiin doono allena subxaanu watacaalaa idinkala xisaabtami doono, hadaad cid gaara ugu adeegtaana taarikhda ayaa idin qori doonta, waxaad noqon doontaan tuke baal cad.

Waxaan idinka codsanaynaa inaad wada hadal iyo isu tanaasul martaan idinkoo raacaya waxa xal ugu jiro umada aayaheeda dambe, noogu shaqeeya sidii gobanimada iyo milga ha lahayd een codka idiin siinay, idiin maanaan dooran yoo yootan, is qab qabsi, aan faaiido inoogu jirin, idiinmaanaan dooran ku takri falid codka shacabka, idiin maanaan dooran inaad codkayaga qaran ku dumisaan, idiinmaanaan dooran inaad kuraasta lagu dhisay cashuurta laga qaado hooyada bacadka fadhida aad jajabisaan, idiin maanaan dooran wax noo dhaca waxaan idiin dooranay inaad ka shaqaysaan horumarkayaga, inaad cadaalada ku ilaalisaan cida khaldana qabataan si anshax iyo akhlaaqadi ku dheehan tahay, waa arin aan aad uga xunahay in marwalba odayaasha guurtidu gar idin dhex dhigaan, idin dhex dhexaadiyaan waar taa idiin maanaan dooran, waa inaad nidaam iyo hab qurux badan kukala baxdaan, waar waxan aad kashaqaysaan maaha wixii la idiin doortay, waxaad tihiin gole xeer dajineed, sharaf leh, hay is bahdilina, markaad is qabataan nidaamka ku kala baxa mise waxan maba akhridaan oo mataqaanaan waa yaabe, hadaanu nahay bulashada reer SOMALILAND ee TURKEY arinkaasu kumaanu farxin, dag-dagna waa in looga heshiiyaa.

Shacabka reer SOMALILAND waxaan ugu baaqaynaa inay ilaashadaan midnimadooda, nabadgalyadooda kana foojignaadaan wixii keenaya amni daro,waxaana lagu ducaystaa oo ilaahay lawaydiistaa amini iyo iimaan. Qabyaalad wax layidhaana halaga fogaado, waayo waxaa ku gabada qof aan karti lahayn, cilmi lahayn dabadeedna ilaashanaya dantiisa gaarka ah.

Alleh ha unaxariistee Gaariye wuxuu yidhi ” Uf Qabiilka Anaa Leh, Wuxuunbaa Ku Adeegta Nin Iskii Kartidiisa Isagoon Cid Ku Tiirsan Isku Taagi Karaynin”, sidaa daraadeed dhalinyarta reer Somaliland waa dad karti badan, aqli badan waxaad iska ilaalisaan qabyaalada, waayo waa dhaqan xun oo liita, waxay kuu hogaaminaysaa dariiq madaw oo mustaqbal daro.

Talabaad, waxaan leeyahay ninka layidhaa NICHOLASKAY, anaga SOMALILAND baa lana yidhaa, malaha wax baad isu qaldaysaane waxaanahay dal madax banaan, anagaa tashana cidi nooma taliso, anagaa wax xalisana cidi wax nooma xaliso, anagaa istoosina cid wax nooma toosiso, anagu waxaan u baahanahay oo kaliye illaaahay subxaanu watacaalaa, sidaa daraadeed iska raali ahaw, waxaanan kuugu baaqanay inaad islaamka qaadato waad liibaani doontaaye. allena haku soo hanooniyo oo dariiqa xaqa alle haku tuso,waayo waajib baa naga kaa saaran inaan wax kuu sheegno waayo ina Aadam baatahay caasi garoobay.

Guntii iyo gaba gabadii waxaanleenahay golaha sharafte leh ha ilaaliyeen sumcada dalku leeyahay arimahooduna yaanay soo dhaafin albaabkooda, xukuumada iyo xisbi midna dheega hasaarin kusheqee cadaalad wadani nimo hano qon dhandhamo raac, heeryadiisa cune. NICHOLSKAY waxaan usheegaynaa qadiyada dal madax banaan hafara galin, shacabka reer SOMALILAND waa shacab wadiniyiin ah, is jecel, isu tanaasula isu dul qaata, waa shacab geesiyaal ah, naftooda iyo maalkoodana u huraya qadiyada jiritaanka dalkooda iyo ilaalinta amnigooda.

MOHAMED JAMA ALI

CHAIRMAN

 

mcali083@hotmail.com

00905078625636.

Exit mobile version