|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan abdirashid xariir,, Gabaygii (Qiimadarida adunka).
September 3, 2014 - Written by Wariye:Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo waxkasta oo aad ku haysato ama aad ku tabcato. Waana sida soo socotaa 1. Ta-da gabay baryahan waanigaan tirinin luuqdiiye 2. Layskama turqee waayahaa lagu tusmeeyaaye 3. Xaluunbaan tirtii dhexe hurdada taajud lay yidhiye 4. Tifafaalihiyo waayahaan toos u faaqidaye 5. Tubta sare cirkiyo meel fog-baan tooxshey faalada e 6. Todobada cishiyo maalmahaan tiriye nuurow e 7. Tabaalada aduun-baan rabaa inaan tilmaamaaye 8. Tusaaliyo waxaan bixinayaa taliyo faalayne 9. Bal tixraaca maansadan aduun tobanba waa cayne 10. Tiigsiga wax kaamaqan naftuna tabayso waa howle 11. Todobada aduun kii hantiyo kaan tunaba haynin 12. Mar hadaan ninaba tows la’ayn tamari yeelkeeede 13. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa beene 14. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka 15. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin 16. Aduunyaduba waa laba tus iyo toban dharaarood e 17. Tiix iyo abaarbaa isku xiga teeriyo ayaane 18. Tusmo lagu nagaadiyo malaha teed barwaaqo ah e 19. Tiro buuxda inay yeelatana tahali maysaane 20. Tab kastiyo ninkii xeel yaqaan turuq si loo maalo 21. Ama talo wanaag iyo aqoon taaba gala yeesha 22. Ama tii ducada waalidkii tahane loo buuxshey 23. Mar hadaan midnaba taajir nimo nolol ku taabaynin 24. Tamootida wadkiyo aakhirana kaga talaabaynin 25. Tirsi malaha meel loo noqdiyo mug iyo taariikhe 26. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa beene 27. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka 28. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seegin 29. Tusmo wacan haween iyo caruur tubada soo buuxsha 30. Tulud geela adhi teedsan iyo sac iyo beer taam ah 31. Ama daaro xaradh lagu tidciyo tamashle gaadiid ah 32. Ama maal lasoo toobiyo kuman tafaariiq ah 33. Ama ay tab iyo xeeladiyo tamari kaa buuxdo 34. Ood turuqyo wayntahay jidhkuna taamku yahay xooga 35. Mar haday naftuba tii alliyo sugayso time-keeda 36. Oo aan tashiil iyo bur-dhaaf tuna la eegaynin 37. Oo aan ninaba talo aduun turuq ku waaraynin 38. Teembada wadkuna xowlal-kiyo sudhantey tuurteena 39. Tasbiixdiyo waxaa ila gudboon inan tartiibtaaye 40. Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa been e 41. Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka 42. Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin ! Dhamaad By Abwaan Abdirashid Harir Mohamed- Hargeisa Somaliland. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|