Marka laga hadlayo arrimo ku saabsan sooyaalka taariikhda ama tixraaca dhacdooyinka ummadeed ee waayihii tegey,waxay u baahan tahay had iyo jeer hubsiimo iyo taxadir badan oo lagaga fiirsanayo inay faafaan khaladaad dhinaca taariikhda ahi.
Weedhaha xambaarsan khaladaadka taariikheed waxay halistooda yeeshaan kolka hormuudka bulshada sida: madaxda xilalka u haya qaranka siyaasiyiinta aqoon-yahan,waayeelka bulshada ama madax-dhaqameedyadu, ay meel fagaare ah kaga tiraabaan dhacdooyin aanu si sugan u haynin xaqaaiqooda.
Halis la mid ah taasi hore, oo ah tan iyadu ugu xoogga badan, wuxuu khaladkaasi yeeshaa, kolka uu galo medhiyaha,ama daabacaadda buugta xagga taariikhda,iyadoo laga yaabo in ay inbadan oo ka mida bulshadii warkaasi soo gaadhay, ay kusii sheekaayaan ama dad badan oo u holladay inay wax qoraan,ay ku darsadaan macluumaadkii khaldanaa ee fagaaraha kaga soo duulay ama uu warbaahinta ka maqlay.
Sida aynu ka war qabno Bulshada soomalida waa kuwo u nugul saamaynta taban ee qaladkaasi taariikheed,maadaama soomaalidu aanay lahayn dhigaal taariikheed qoran, sugan, oo daraasaadka waayahii bulsho ee tegey laga tixraaci karo.
.hannaanka keliya ee taariikhda inta la hayo laysugu soo tebiyayna waa keliya sheeko-dhegood jiilba jiilkii ka horreeyey uga soo gudubtay,iyadoo habka labaad ee la odhan karo wuxuu soo raaca kaasi hore,kaalintana ka qaatay dhaxalka taariikhdu inuu heerkani soo gaaro ay yihiin dhacdooyinka ay soo xambaareen gabayada ama qaybaha kale ee suugaanta isla markaana sawirkii waayahaasi lagala soo dhex baxi karo..
Dhawr maalmood ka hor, waxaa hadaba hadal uu madal ka jeediyay gudoomiyaha xisbiga ucid uu kaga taariikheeyey waayihii siyaasadeed ee madaxweynihii hore ee Somaliland A.H.N. maxa’ed ibraahim cigaal,intii isagoo wax badan ka taabtay xeeldheeridii dhinaca siyaasadda ee marxuum cigaal khaasatan intii uu talada dalka hayay,hadaba in kasta oo aaraahdii uu madashaasi ka jeediyay ee uu kaga taariikheeyey intii uu ka yiqiinay marxuum cigaal ay xiisahooda lahaayeen,hadana waxaan jeclaystay inaan hoosta ka calaamadiyo,khaladaad ka raacay gudoomiye faysal cali waraabe weedhihii uu halkaasi kaga tiraabay,oo ahaa inuu m.i. cigaal 1960kii uu dadka reer sland usoo jeediyay inay xorriyadooda haystaan haddii kale bal 40 cisho gacanta ku haystaan, gobanimada ay ka qaateen gumaystaha ingiriiska si la mid ah, sida loo afartan bixiyo UMUSHA,isla markaana aanay degdeg ula midoobin soomaalida talyaaniga, ,taasi waxay ahayd runtii taariikh khaldan,waxaanan leenahay gudoomiye faysal cali waraabe odhaahdaasi AHN madaxweyne cigaal muu odhan wax ka suurto gelayayna may ahayn, siyaasada xisbigooda uu hoggaamiyaha ka ahaa ee SNL-na kumay jirin.waxaanu tuhunka hadalkaasi oo isaga laf ahaantiisa aan filayo inay soo gaadhay maqalkeedu, uu si cad ugu qeexay khudbad uu ka jeediyay fagaaraha khayriyada,intii uu talada dalka hayay,waayo wuxuu ahaa cigaal gudoomiyihii xisbigii SNL,qodobka ugu weyn ee ay ololaha ku galeen, dadka codkoodana ku doonayeen,isla markaana ku heleen aqlabiyadda wuxuu ahaa,inay xooga saarayaan israaca labada gobol somalia iyo somaliland.
barnaamijka xisbigiisu wuxuu xaaraan u arkayay in somaliland xorriyadeeda gooni u haysato,waxay sidoo kale dadweynaha intoodii ma kasta ahayd ku kiciyeen cid kasta oo diidan midnimada ummadda somaliyeed,dadkaasi oo u badnaa aqoonyahankii iyo indheer garadkii bulshada,ee kasoo jeeday axsaabtii kale,sidaasi awgeed faysal cali oo wakhtiyo horena hadal sidan oo kale ah jaraaidka ku qoray,waxaan odhan lahaa kala saar xaqiiqada taariikhda iyo abaalkaad sheegtid inaad ugu haysay cigaal inuu ahaa shakhsigii siyaasada kugu soo daray……..
Xasan Jaamac Qaalib (dhako).