WAJAALE NEWS

Waxan Ku Baaqayaa Siyaarada Sheekh-Zubeer Awal Tobanka Bisha Dul-Haja “Muriidka Sheekh- Isaxaaq”

CEERGABO (Wajaalenews);Muriidka Qabriga Sheekh-Isaxaaq Sh-Siciid Sh-C/raxmaan Sh-Siciid oo maalintii Sabtida booqday qabriga Sheekh-Zubeer Awal ee ku yaalla degaanka Jiidali ee bariga magaalada Ceerigaabo ayaa wuxu halkaas kaga dhawaaqay muddada la qabanayo Siyaarada Sheekh-Zubeer oo aalaaba bulshada degaannadaasi siyaartaan sannad kastaba.

Muriidka Sh-Isaxaaq kal kii uu qabrigaas gaadhey waxa kusoo dhoweeyey waayeelka iyo muriidka sheikh-zubeer iyo weliba bulshada deggan goobta sheekhani ku aasan yahay “Annagoo maanta joogna Qudbigii Sheekh-Zubeer waxannu maanta soo dhowaynaynaa Muriidka Sheekh-Isaxaaq (Sh-Siciid Sh-C/raxmaan Sh-Siciid) oo booqasho noogu yimid waxannu leenahay Muriidka Soo dhowow soo dhowow”. Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-C/laahi Xaaji Faarrax oo ka mid ahaa bulshadii muriidkani halkaas ugu tegey.

Muriidka Sh-Isaxaaq Isagoo ka hadlaya muddada la qabanayo siyaaradan Sh-Zubeer wuxu yidhi “Maanta waxan ku baaqayaa siyaarada Sheekh-Zubeer Awal in la dhigayo 1o-ka Bisha Dul-Hajah waa siyaaro caam ah siyaasadna shaqo kuma lahaa waana mawqif ducaysi ah hana laga daayo hadalka iyo dhibaatada cid kastoo kazoo qayb gelaysaana si nabadgelyo ah haku timaaddo hana ku ducaysato”.

Sidoo kalena Muriidka Sh-Isaxaaq Sh-C/raxmaan Sh-Siciid wuxu kormeeray xarunta qabriga iyo agabka ama aathaata taalla wuxuna bulshada degaankaas ku wacyigeliyey inay soo dhoweeyaan una jajabnaadaan cid kastoo kazoo qayb gelaysa siyaaradan uu ku dhawaaqay.

Dhinaca kalena tababbare Axed Maxamed Ismaaciil (Nadalo) oo ka mid ah xubno qurba-joog ah oo siyaaranayey Sheekhan Zubeer kana mid ah cayaaryahannadii dhinaca oroddada ee caanka ka ahaa Somaliya iyo dalal badan oo adduunyada ka mid ah ayaa qurbajoogta ugu baaqay maaddaama ay ka durugsan yihiin oo aanay soo gaadhi Karin inay xagga dhaqaalaha kazoo taageeraan siyaaadan Sh-Zubeer ee lagu dhawaaqay.

Waxana xusid gaar ah mudan goobtani inay ka socotey u diyaar-garowga siyaaada sheekhan oo markii horeba bulshada degaankaasi iskood ugu tala galsanaayeen.

 

Exit mobile version