WAJAALE NEWS

Mo Farah oo Xalay Mar Kale Wacdaro Dhigay iyo Wadanka Switzerland……

Hargeisa(wajaalenews)-Oradyahanka Caanka ah ee Haysta Labada Biladood ee Dahabka ah ee Mo Farah ayaa Guuleystay ilaa iyo ka bacdi intii macalinkiisii ama Tababarihisii lagu eedeeeyey in u isticmaalo Daroogada.

Oradakan ayaa xalay ka dhacay wadanka Switzerland isagoo maxamed faarax ku guuleystay kaalinta koowaad oradkan oo ahaa 5,000m ayuu ku orday daqiiqado dhan:- 13:11:77.

Mo Faarax ayaa ilaa imika laga yaaban yahay isagoo sanadihii ugu danbeeyey haysta caalamka oo laga yaaban yahay ayaa waxaa in mudo ah la soo dersitay murugo ka dib markii macalinkiisii lagu eedeeyey in uu isticmaalo daroogo iyadoo aynu wada ognahay in ay daroogadu madnuuc ka tahay xeerka ciyaaraha waxaana ilaa imika laga joogaa bil iyo badh xiligii eedaasi soo baxday.

Hargeisa Office

Abuu Maxfuud

Exit mobile version