Hargeysa(Wajaalenews)Ugu yaraan 20 ruux oo isugu jiray ciidamadii saaka ku dagaalamay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay 30-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka ka dhaacay deegaankan oo 75-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka laga helayo deegaanka Saax-dheer ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii kooxaha Khaatumo iyo wafuud kala duwan oo halkaas u tagay ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh ayaa markii uu dagaalku billowday u tallaabay dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada.
Horgalihii khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro ayaa haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Itoobiya, iyadoo ciidamada Somaliland ay ku ekaadeen gudaha deegaankaas oo la filayay in munaasabadda caleemo-saarka ay ka dhacdo.
Taliyaha ciidamada Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in sababta ay saaka u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay iyadoo shalay la keenay hub iyo ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM