WAJAALE NEWS

Banaanbax Balaadhan oo lagu taageerayo Doorashada Khaatumo ee Madaxwayne nimada Cali Khaliif oo ka dhacay Magaalada laascanood

LAASCANOOD(Wajaalenews);Magaalo madaxda gobolka sool ee laascanood ayaa maanta waxa ka dhacay mudoharaad balaadhan oo lagu taageerayo maamulka isku magacabay khaatumo state iyadoo madaxwayno nimana loogu doortay cali khaliif galaydh oo ah siyaasi kasoo horjeeda somaliland kana mida mudanayaasha dawlada xasan sheekh .

Warar xogogaala oo lahelayo ayaa sheegaya in ay hada degen tahay xaalada magaaladu

Xaaladda degmada Laas-caanood ee gobolka Sool ayaa deggen, kaddib bannaanbaxyo maanta ka dhacay kaasoo lagu taageerayay doorashada madaxweynaha Khaatumo oo uu ku guuleystay xildhibaan, Cali Khaliif Galeydh.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii ay fureen ciidamada Somaliland ay ku geeriyootay qof dumar ah; ayna ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, iyadoo ciidamada Somaliland ay soddomeeyo qof u qabqabteen dibadbaxa, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, kuwo kalena ay weli jeelasha ku jiraan.

Bannaanbaxa oo ahaa mid weyn ayaa billowday 11:00 Subaxnimo ee maanta isagoo socday illaa 1:30 duhurnimo, iyadoo degmadu ay degen tahay, ayna dib u billowdeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha degmada, Laascaanod C/qaadir Faarax Jaamac ayaa sheegay in dibadbaxa oo lagu taageerayay doorashada madaxweynaha Khaatumo ee lagu doortay Saax-dheer ay soo abaabuleen dad yar ayna xidheen 10-qof, balse ay goor dambe sii daayeen.

“Xaaladda degmadu way daggan tahay, ciidamaduna way kala eryeen dadkii dibadbaxa ka qaybgalayay oo aad u yar,” ayuu yidhi C/qaadir Faarax oo intaa ku daray inaanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dibadbaxa iyo rasaas ay ciidamadu fureen.

Dhanka kale, wararka laga helayo tuulada Kala-bayr oo ka tirsan gobolka Sool ayna gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu ka dhacay dibadbax weyn oo lagu taageerayay xildhibaan, Cali Khaliif Galeydh oo maanta loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Wararka laga helayo tuuladaas ayaa sheegaya in qof dumar ah ay dhimatay kaddib rasaas ay fureen ciidamada Somaliland ee tuuladaas ku sugan, balse ma jiro wax dhaawacyo ah oo rasaastaasu ay dhalisay, xaaladda tuuladuna waa mid deggen xilligan.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta loo doortay xilka madaxweynaha maamulka Khaatumo kaddib shirar tododbaadyadi ugu dambeeyay si joogto ah uga socday tuulada Saax-dheer oo 75-KM dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

WIXII KASOO KORDHA KALASOCO WAJAALENEWS.NET

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version