|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliye Shaqale Oo Ka Hadlay Duulaanka Saaxdheer Iyo Wararkii Udambeeyay Iyo Firxadka Khaatumo
August 28, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Ugu yaraan 20 ruux oo isugu jiray ciidamadii saaka ku dagaalamay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay 30-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka ka dhaacay deegaankan oo 75-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wararka laga helayo deegaanka Saax-dheer ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii kooxaha Khaatumo iyo wafuud kala duwan oo halkaas u tagay ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh ayaa markii uu dagaalku billowday u tallaabay dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada. Horgalihii khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro ayaa haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Itoobiya, iyadoo ciidamada Somaliland ay ku ekaadeen gudaha deegaankaas oo la filayay in munaasabadda caleemo-saarka ay ka dhacdo. Taliyaha ciidamada Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in sababta ay saaka u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay iyadoo shalay la keenay hub iyo ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo. WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|