Taliyaha ayaa Shegay inay Ciidankaasi Galeen Danbi Qaran isla Markaasna Aanay Haba-Yaratee Wax War ah la Soo Socodsiinin Hogaanka Booliska Ee Gobalka Togdheer.
Waxaana ka mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Waxaan Maanta Shirkan Jaraid u Qabtay in Aan Kaga Hadlo Askar ka Hadashay Tv-ga Horn Cable Oo Lahaa Guryihii ay Deganayeen Ciidanka Police ayay Dowladda Hoose Iibinaysaa,Waxaan Leeyahay Hadii Aanu Nahay Hogaanka Booliska Gobalka Togdheer Waxba Kama Ogin in la Iibinayo
iyo in Kala Toona Guryihii Ciidanka Booliska,Guryaha Booliska Ee ay Degan Yihiin Xaasaska Ciidanku Shakhsi Qudhi ma Laha Askarina Gaar Ugama Hadli Karro Waxa Leh Dowladda Waana Guryihii Booliska,Haddi Ama Hala Dhiso la Dhaho ama Wax Halaga Badalo la Dhaho Waa Arrin u Taala Taliyaha Ciidanka Bilayska,Lakiin Arrin Askari Gaar ahi ka Hadli Karro Maaha,Waayo Askarigu Guraha ma Laho Ee Waa Shakhsi,Guryaha Bilaysku Waxay ka Mid Yihiin Hantida Xafiiskan Oo Kalle ayay la Mid Yihin Waana Hanti Bilaysku Leeyahay,Kolba Askarigii Xaaslay ah Ee Jooga ayaa Galaya,Anigu Taliyaha Booliska Gobalka Togdheer ayaan ahay Maan Maqal in la Iibinayo Guryahiisa Hadii ay Jirtana Anigu Waxaan ka War Sugaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,Lakiin Waxaanu Maanta Halkan Saxafadda Uga Cadaynaynaa ma Jirto Meel Aanu ku Sheegnay Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska in Aanu Iibinayno Guryahaasi,Cid ay ka Soo Baxday ma Jirto Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska Ee Kale Duwan Meel Aanu ku Sheegnay in Aanu Iibinayno Guryaha Ciidanka Booliska Burco” Ayuu Yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer
Si Kastaba ha ahatee Tobadani Askari Ee ka Tirsan Ciidanka Booliska Gobalka Togdheer ayaa iyagu Maalintii Labaad ku Xidhan Xabsiga Dhexe Burco,Waxaana Wararka na Soo Gaadhaya ayaa Shegayaa in Askartaasi Loo Diyaariyay Sidii Loo Saari-Lahaa Maxkamad Ciidan.
Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane