|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Cabdi Muuse Oo Fahfahin ka Bixiyay Askar ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo ku Xidhan Xabsiga Dhexe Burco.
August 12, 2014 - Written by Wariye:Burco (Wajaalenews) Shir-Jaraid Oo Uu Xafiiskiisa ku Qabtay Taliyaha Qaybta Police Gobalka Togdheer Gaashanle Cabdi Muuse C/Laahi ayaa markii Ugu Horraysay ka Hadlay Toboba Askari Oo ka Tirsan Ciidanka Poice Togdheer Oo Habeen Horre Loo Taxaabay Xabsiga Dhexe. iyo in Kala Toona Guryihii Ciidanka Booliska,Guryaha Booliska Ee ay Degan Yihiin Xaasaska Ciidanku Shakhsi Qudhi ma Laha Askarina Gaar Ugama Hadli Karro Waxa Leh Dowladda Waana Guryihii Booliska,Haddi Ama Hala Dhiso la Dhaho ama Wax Halaga Badalo la Dhaho Waa Arrin u Taala Taliyaha Ciidanka Bilayska,Lakiin Arrin Askari Gaar ahi ka Hadli Karro Maaha,Waayo Askarigu Guraha ma Laho Ee Waa Shakhsi,Guryaha Bilaysku Waxay ka Mid Yihiin Hantida Xafiiskan Oo Kalle ayay la Mid Yihin Waana Hanti Bilaysku Leeyahay,Kolba Askarigii Xaaslay ah Ee Jooga ayaa Galaya,Anigu Taliyaha Booliska Gobalka Togdheer ayaan ahay Maan Maqal in la Iibinayo Guryahiisa Hadii ay Jirtana Anigu Waxaan ka War Sugaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,Lakiin Waxaanu Maanta Halkan Saxafadda Uga Cadaynaynaa ma Jirto Meel Aanu ku Sheegnay Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska in Aanu Iibinayno Guryahaasi,Cid ay ka Soo Baxday ma Jirto Hadii Aanu Nahay Ciidanka Booliska Ee Kale Duwan Meel Aanu ku Sheegnay in Aanu Iibinayno Guryaha Ciidanka Booliska Burco” Ayuu Yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|