WAJAALE NEWS

Saadasha Sanadka iyo Khuburada Kubada Cagta Oo Shaaciyay Iyo Kooxda Ku Guuleysan Karta Premier league.

HARGEISA(Wajaalenews);Kooxdan la yidhaa Bloomberg waxaa isugu tagay khuburada ugu aragtida dheer kubada cagta dunida,waxaana ay marka hore kulan kulan ay u eegaan ciyaar walba iyo waxaa ay ku dhamaan karto kadib waxaana ay xisaabiyaan koox kasta inta dhibcood ay heli karto iyo kaalinta ay tiigsan doonto. Sida kooxda horyaalka qaadeysa,seddexda ku xigta,kooxda Champions league ka hareysa iyo kuwa heerka hoose u laabanaya sadaashooda sanadlaha waa sida ,koox waliba iyo booskeeda xagaagan balse isbadal waa uu dhici karayaa ,taas maanka ku hay. Khuburadan dunida ee kubada cagta ayaa soo saaray maanta sadaashooda sanadlaha ah iyagoo ixtimaal ku sameynaya koox kasta halka ay ugu dhameysan karto horyaalka dalka engiriiska xagaaga dambe. Hadaba markii ay kooxaha qiimeeyeen ayaa waxa ay sheegeen in kooxda Manchester City aya noqotay kooxda loo saadaalinaayo xagaagan iney ku guuleysan karto horyaalka Premier league sida laga soo xigtay maanta oo Arbaca ah quburada wax saadaaliya ee kubada cagta Bloomberg data. Man United ayey sheegeen iney kaalinta afaraad gali doonto halka ay kooxda Arsenal kaalinta Seddexaad ay gali karto iyadoo aad moodo in sanadka ay dhisan tahay oo ay sideedii hore ay dhaanto iyadoo shalayna ka badisay kooxda man city oo iyadu ah koox awood badan. Halka Chelsea ay tahay kooxda la tartami doonta Man City waxaana ay ku dhameysaneysan kartaa kaalinta labaad marka la eego manta awooda ay leedahay kooxdani

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA/SOMALLILAND

Diyaariye Maxamed Cali Mataan

EMAIL;Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version