WAJAALE NEWS

Faah faahinta;Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay Qaraxii Magaalada Muqdisho!

MUQDISHO(W,N)– Ku Dhawaad 20 Ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax maanta duhurnimadii   ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku dhaw hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Halka aan wali si rasmi ah loo shaacin tirade dadkii ku dhaawacmay.

Gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay goobta oo aheyd meel aad saxmad badan kuna sugnaayeen dad badan oo halkaa ka cunteynayay madaama lagu soo beegay waqtiggii qadada.

Wararka kale ee   ka soo baxaya qaraxan, ayaa waxay intaa ku darayaan in gaadhiga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka xogo kalena sheegayaan in gaadhiga qof waday oo maqaayada lagu dhuftay.

Ciidamada ammaanka  oo iyagu goobta xidhay mar danbe  ayaa dadkii ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintayba usameeyay gurmad loola cararay cisbitaalada .

Shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyay daris la noqday qaraxyo joogta ah oo ay gudaha magaalada ka fuliyaan ururka alshabaab kaasi oo Soboba khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba halka dawlada madaxwayne farmaajo ay gabi ahaanba ku fashilantay sugida amaanka magaalada muqdisho iyadoo wali ay taagan tahay gadood ciidamada dawladu oo ay soo foodsaartay mushahar la,aani.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE.

Exit mobile version