WAJAALE NEWS

Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga Kama Danbaysta ah Ee Xisbiyadu Kusoo Gudbinayaan Liiska Musharixiinta Golayaasha Deegaanka

Hargeysa(W,N)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa Shaaciyay wakhtiga kama dambaysa ah ee Saddexda Xisbi qaran laga doonayo  in ay ku soo gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka. Ee uga qaybgalayay doorashada fooda inagu soo haysa.

War qoraal ah oo kazoo baxay xafiiska komishanka qaranka laguna socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta arbacadda ah ee 17 bishan ay soo gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda goleyaasha Deegaanka.

Xeerka doorashooyinka, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor doorashada in ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka, si ay hubin shuruudaha xeerka buuxiyeen.

HALKAN KA AKHRI NUXURKA QORAALKA KASOO BAXAY KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA;

Exit mobile version