WAJAALE NEWS

Gudoomiyayaasha WADDANI Iyo KULMIYE Oo Safar Aan La Shaacin Ugu Baxay Ethopia Iyo Dareenada ku Xeeran,

HARGEISA(Wajaalenews);Gudoomiya yaasha Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye oo safar aan la shaacin ugu baxay Itoobiya iyo xidiidhka ka dhaxeeya kulamada Habar Magaado.

Guddoomiyayaasha Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la shaacin ugu baxay waddanka itoobiya ee aynu jaarka nahay.

Labda Guddoomiye ayaa saaka ka anba baxay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport   ee Magaalada Hargeysa iyaga oo u sii jeeda Caasimada Itoobiya ee adis ababa taas oo aan ila hada la shaacin ujeedada safarkooda iyo israaca ay labada ku Guddoomiye ka tagayaan itoobiya taas oo aan ilaa hada cadayn sababta keentay safarka degdega ah ee ay u baxeen, sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay aanu ka helnayn U sheegayaan waxay ka qayb geli doonaan xaflad qalin jabin ah oo ka dhacaysa Caasimada Itoobiya ee Adis abab, sidoo kale warku waxa uu intaas ku daray inay labad Guddoomiye kulamo gaar ah ku yeelan doonaan Itoobiya iyaga oo ka wada hadli doona arimo aan ilaa hada cadayn.

Safarkan labada Guddoomiye ayaa ah markii labaad ee ay sidan oo kale safar u wada galaan iyaga oo horaantii bishii Julay ee sanadkan aynu ku jirno ku tagay Waddanka Jabuuti taas ay diyarada ka wada raaceen Madaarka Hargeysa iyada oo la sheeay inay kulamo ku yeesheen waddankaas.

Ilaa hada ma cadaa ujeedada labadan masuul ay iskugu beegayaan safarkooda taas oo shaki badan ku gedaaman yahay safarada noocan oo kale ee ay ku tagayaan Waddamada jaarka ah iyada oo Xukuumada Somaliland ay hore ugu eedaysay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu kulamo gaar ah ka dalbaday laamaha aminiga ee wadanka Itoobiya, sidoo kale Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland MD Cali Maxamed Waran cadde ayaa ku eedeeyay xisbiyada Mucaaridka inay sabab u ahaayeen xidhitaankii labada xuduud ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxaa beryahan dambe ka socday gudaha Somaliland shirar doceedyo ay yeelanayaa Beelaha Habar Magaado taasoo ay sheegeen inay ku soo noolaynayaan wada jirka iyo wax-wada-qaybsiga Beelaha Habar magaado, iyada oo ay taasi jirto ayaa labadan Guddoomiy ee safarada wada gelayaa waxa la isla dhexmarayaa inay qayb ka yihiin soo noolaynta Habar magaado, taas oo hore warbaahintu u sheegtay ina labadan Guddoomiye iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ay kulan alaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen Waddanka Jabuuti, taas oo la sheegay inay ka wada hadleen arimahan dhawaanta soo cusboonaaday ee olalaha loogu jiro shirarka Beelaha Habar magaado, sida warku sheegaayo kulankaas saddexda masuul wax war ah oo dhinacooda ka soo baxay ma jiraan isla markaasna safarkan labada guddoomiye ayaa la filayaa inuu daba socday kulankaas hore marka laga yimaado xaflada la sheegay inay ka qayb-galayaan

Exit mobile version