WAJAALE NEWS

Fanaanad Caan Ah Oo Iibsanaysa Kooxda Liverpool Ee Dalka England.

HARGEISA(Wajaalenews);Gabadha heesta ee caanka ka ah aduunka ee la yidhaa Rihanna ayaa doonaysa in ay wada hadal la furto iyadoo doonaysa in ay la wareegto si ay maalgashi ugu samayso kooxda Liverpool ee ka dhisan dalka England ee Reds. Sida ay qortay El Mundo Deportivo oo ka soo baxda Spain Rihanna ayuu hadafkeeda yahay iney maalgashato labada kooxood ee kooxaha Spain ama England iyadoo sheegtay in uu dookheega koowaad uu yahay kooxda Liverpool in ay iibsato oo ilaa iyo haatan ay taageere u tahay.

Wargeysyada waxaa ay sheegayaan in weeraryahanka Chelsea Didier Drogba inuu kula taliyay Rihanna iney iibsato kooxda Anfield ka dhisan. Lama oga iney madaxda Liverpool gabadhan ka iibinayaan kooxda balse waxaa loo badinayaa in Rihanna ay la wareegeyso masuuliyada Liverpool.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA/SOMALILAND

Diyaariye Maxamed Cali Mataan

email;wajaalenews@gmail.com

Exit mobile version