WAJAALE NEWS

Kulan Lagu Darsayo Waxbarashada Somaliland Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa + Daawo Sawiro

HARGEISA(Wajaalenews);Kulan Talo Wadaagga Ah Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Hay’adda Aet Oo Kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Hay’adda Cfbt Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa,Kaas Oo Socon Doonaa Mudo Laba Cisha Ah. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii waxbarashada somaliland loogu heli lahaa Xayndaab lagu fadhiisiyo Aqoonta Jiilka Danbe Ee Soo Socda. Waxa ay shegeen in kormeero kala duwan lagu sameeyay Gobolada iyo degmooyinka Dalka somaliland. Sidii Ay Xog Rasmi Ah Uga Soo Heli Lahayeen Xaalada Ay Ku Sugan Tahay Waxbarashada Somaliland.

Ugu Horeyna Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee somaliland Abiib Axmed Cali waxaana uu ka shekeeyay baahida loo qabay in aqoonta waxbarashado ee somaliland kor loo qaado waxaana uu yidhi” “Muhiimada ugu wayni waxa weeyaan,waxa aynu eegaynaa mustaqbalka iyo Aayaha ubadkeena, waxan aynu ka hadlaynaa mustaqbalka umada,waxaana aynu is waydiinaynaa maku haboon yahay ubadkeena man-hajka ay dhiganayaan,mise mayahay kii ku haboonaa ee saxda ahaa qarniga 2-  aad,Habka aynu caruurteena wax ubarnaa mayahay habkii saxda ahaa oo umada sideeno oo kalaa dagaalo badan soo gashay oo wakhti badani kasoo lumay horumar dag-dag ah gaadhsiinaysa.

Agaasimaha wasaarada waxbarashada ee tacliinta sare oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi raaciyay”Man-hajka aynu caruurteena barnaa mayahay kii somaliland mise waakii somaliya,ubadkeena marka ay waxbarashada galayaan maku kaantaroolnaa,waxaad arkaysaan qaar dadoodu yaryar yihiin oo hadan dugsi sare dhiganaya,waxa loo baahan yahay kulankan aynu maanta iskugunimid in aynu kasoo saarno waxa aynu ubadkeena waxbarashada dhiganayaa aynu kusoo hagno,waxa kale oo aynu doonaynaa in aynu is waydiino markii ilmu yahay 5jir maxaynu ka doonaynaa inuu waxa yaqaano,waxa aynu doonaynaa wadamada Aadka ugu horumaray waxbarashada siday ku gaadheen in aynu kasoo saarno kulankan maanta.

Dhinac Kale Waxa Isna Munaasibada Hadalo Kooban Kasoo Jeediyay Agaasimaha Waaxda Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin,Waxaana Uu Ka Warbixiyay Tariikhda Kala Duwan Ee Uu Soo Maray Man-Hajka Somaliland Iyo Ujeedad Laga Leeyahay Kulankan Lagu Gorfaynayo Sidii Dalka Loogu Samayn Lahaa Dhaba Ay Marto Waxbarashada Somaliland Waxaana Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay”

“Man-Hajka waxbarashada somaliland waxa uu soo bilawday ka dib dagaaladii badnaa ee dalka somaliland lagu xoreeyay,Man-Hajka waxbarashada somaliland ee ilaa maanta soconayay ee 17jirsaday Ragii barigaas wax ka dajiyay qaarkood ayaa halkan maanta iiga muuqda,waxaana muhiim ah mar hadii wakhti dheer uu soo socday Man-Hajka waxbarashada somaliland,shacabku waxa ay tabayaan wanaagiisa iyo dhaliilihiisa,mar hadii man-Hajkii waxbarashada somaliland wakhtigaas oo dhan soo taxnaa waxa uu  maanta u baahanyahay  in dib u eegsi lagu sameeyo,lana waafajiyo wakhtiga aynu maanta joogno.

Agaasimaha Waaxda Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Manaahijta somaliland waxa ay ubaahan tahay in loo helo xayn daab lagu fadhiisiyo is badalka aynu rabno in aynu ku samayno manaahijteena waxbarasho ee mustaqbalka dhawba iyo kan fogba,wasaaradeena waxbarashaduna waxa ay diyaar u tahay sidii ay arintaas u fulin lahayd,taas oo keentay ka hor intaan la qaban shirkan in loo baxo gobolada dalka oo idil sidii cilmi baadhsi loogu soo samay lahaa.

Guddoomiyaha Hay’adda AET Xasan Axmed Ibraahin Oo Kulamo Kala Duwan Oo Xog Uruurin Ah Ugu Baxay Gobolada Dalka Somaliland Sidii Ay Xog Rasmi Ah Uga Soo Heli Lahayeen Xaalada Ay Ku Sugan Tahay Waxbarashada Somaliland Ayaa Waxa Uu Sheegay”Runtii waxaan jecelay inaanu xuso dadbadan oo Tagay gobolada dalka somaliland,isla markaasna soo sameeyay xog uruurin oo aydun ka mid tihiin idinku,dadkaas oo gaadhayay ilaa 240 Qofna ayaa Nalasoo  hadlay oo lagu yidhi ka warama bal waxbarashadu siday tahay,badankoodu waxa ay yidhaaheen siday waxbarashadu tahay kumaan qancin,waxaana laga yaabaa inaanay waxbarashadu ahayn mid eed dusha laga saarayo balse dadkaas ay tiradoodu dhantahay 240 waxa ay soo arkeen ayuun baanu raacnay anagu,Markaas waxaanu go’aansanay inuu dalka ubaahan yahay waxbarasho dheeli tiran oo lagu hagi karo sannadada danbe ee soo socda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada somaliland Axmed Xasan oo kulankan furay ayaa waxa uu ka waramay ujeedada ay kulankan ay maanta u qabteen waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay”

“Kulankan aynu maanta iskugunimi waxa weeyaan wadatashi,wasaaraduna maanta waxa ay marti idiinka tahay aqoontiina,man-Hajka aynu maanta ka wada hadlaynaa waxa weeyaan man-Haj inoo wada dan ah wasaaraduna waxa weeyaan wasaaradii hogaanka uhayse dalka somaliland qaybta waxbarashada somalialnd,lakiin talada dalku waxa ay kasoo godaa idinka,waxa aynu maanta ka hadlaynaa waxa weeyaan bundhigii waxbarashada somaliland ugu bandhigi lahayn,waxa kale oo aynu ubaahanahay wixii talo ee idinka soo baxa aynu meel udhigi lahay si aynu u gaadhno hadafka iyo himiladeena shirkuna waa inoo furan yahay

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version