WAJAALE NEWS

“Golaha Wakiiladu Haddii Ay Is Hortaagaan Sharciyeynta Iyo Socodsiinta Heshiiskan, Waa In Madaxwaynuhu Kala Diro”Siyaasi Cabdirashiid.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Kamid Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa bogaadiyay Qodobada ay Ergada Isxilqaantay ku Dhex Dhexaadiyeen Murankii Udhexeeyay xisbiyada Mucaaridka Iyo xukuumada.

Sidoo kale Siyaasi Cabdirashiid ayaa ka Digay In golaha wakiilada hor istaagaan socodsiinta heshiiska aywada gaadheen labada dhinac ee xukumada iyo mucaaridka.

Siyaasi cabdirashiid ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Asalaamu Calaykum.

Marka Ugu Horreysa Waxan Bogaadinayaa Guddidii Isxilqaantay Ee Dhexdhexaadinta Khilaafka Iyo Muranka Arrimaha Doorashooyinka Ee Xisbiyada Iyo Xukuumadda.

Wax Soo Dhowaynayaa talooyinkii ay usoo gudbiyeen darifyada Oo Ahaa Talooyin Qaran, Talooyin ay ku dheehan Tahay Aqoon, Waaya aragnimo, Daacadnimo, lexejeclo ummadeed iyo dareen muwaadinimo. Allaha idinka jasaai siiyo waxaad buuxiseen kaalin bannaan.

Waxan Hambalyaynayaa Xukuumadda Iyo xisbiyada Oo soo Dhaweeyey Talooyinka Guddiga, Waxa Aynu ka Sugayaa Fulinteeda InSha allah.

Waxaan Mahad Celin mudan bulshada Caalamka ee danaynaya ama dadaalka ugu jira in doorashooyinku inoo qabsoomaan.

Xubno ka mida Golayaasha sharci dejinta waxa ka soo yeedhay qaylodhaan iyo sas ay ka qaadeen talooyinkaa oo ay ka dhex Arkeen qabsoomidda doorashada. Mudanayaal ilaahay ka baqa xilkasnimo u noqda wax kasta oo lagu heshiiyaa waa sharci waxa Indinla gudboon oo kaliya waa sharciyeynta heshiiska.

Gabagabo Waxan qabaa Golaha Wakiilada Haddii ay Is Hortaagaan sharciyeynta Iyo Socodsiinta Heshiiskan In Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Uu Kala Diro golaha wakiilada si ay doorashooyinku inoogu qabsoomaan, taasaana ku suntanaan doonta taariikhda muddo xileedka Madaxwayne Muuse, waayo wuxu badbaadinayaa mustaqbalka da’yarta ee golayaashani dhaxalka ka dhigteen.

Ilaahay baa mahadleh,

دعاء اللهم ولي أمورنا خيارنا ولا تولي أمورنا شرارنا – المنشد (صلاح أبو إسل

 SIYAASI CABDIRASHIID XASAN MATAA.

 

Exit mobile version