WAJAALE NEWS

Raashin WFP U Rarnaa Oo Burco ku xayirnaa laba maalmood oo la sii daayey

Hargeisa(Wajaalnews)Gawaadhi raashin u siday Hay’adda WFP ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku xidhnaa saldhig ku yaala magaaladda Burco, kuwaas oo looga shakiyey inay si qaldan raashinka mucaawinada ah ugala soo baxeen Bakhaarada Kaydka u ah Hay’adaasi.
Baabuurtay oo ahayd laba Kolonyo ayaa lagu Eedeeyey in aanay soo marin xafiiska xidhiidhka mucaawinada WFP ee xukuumadda Somaliland, kaasoo dabagal ku sameeya Raashinada ay hay’adaasi ku bixiso mashaariicda.
Ilo wareedyo u dhuun daloola xadhiga iyo xayiraada lagula kacay gaadiidkan ayaa sheegaya in heshiis lagu maareeyo qaabkii raashinkaas loo gaadhsiin lahaa deegaanadii loogu talogalay laga gaadhay.
Deegaanada Raashinka WFP ku socday oo sagaal ah ayaa kala ah Qoryaale, Dhoqoshay, Harada, Ceeg, Bisiqa, dindiinta, waaba-gaajo, Ceel dheere iyo Beer, waxaana loo waday kooxo deegaanka ah oo wax ka qabtay mashariic yar yar oo tuulooyinkaas laga sameeyey.
Sagaal gaadhi oo raashinkan siday ayaa la sheegay inay gaadheen deegaanadaasi oo lagu wareejiyey dadkii shaqada qabtay, kuwaas oo la sheegay inay hay’add kale qandaraaska siisay isla markaana WFP ku wareejisay.

wajaalenews.net

hargeisa/office

c/raxman carab

Exit mobile version