HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Hambalyo Munaasibada CIIDAL FIDRIGA Awgeed U Diray Dhammaan Shacabka Somaliland Iyo Muslimiinta Adduunka
Ujeeddo; HAMBALYADDA CIIDA
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL FIDRIGA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah,
wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi