WAJAALE NEWS

Xildhibaano Doonaya In Ay Xilka Ka Qaadaan Maayarka Degmada Gabilay Shucayb Maxamed Muuse Oo Saaka Ku Waabariistay Wasaarada Arimaha Gudaha Kana Dalbaday Kafadhi Aan Caadi Ahayn

Hargeisa(Wajaalenews)Tan Iyo Horaantii Sanadka Waxa Iska Soo Daba Dhacayey Warar Sheegaya In Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Magaalada Gabiley Ay Qorshaynayaan In Ay Xilka Gudoomiyenimo Ka Qaadaan Maayraka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse,

Waxaana Maanta Magaalada Hargeisa Is Dabo Guurayey Raxan Xildhibaano Ah Kuwasi Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Ka Codsanayey In Loo Ogolaado Kalfadhi Aan Caadi Ahayn Oo Ay Yesheen Xildhibaanadu Waxaana Ay Saaka Ku Waabariisteen Xarunta Wasarada Arimaha Gudaha Ee Magaalad Hargeisa Halkaasi Oo Uu Wasiirku Ka Galay Ergo Ah Bal In Mudo Loo Kadiyey Dalbashada Kalfadhigaasi An Cadiga Hayn Ee Ay Dlabanayaan In Kabadan 14 Xildhibaan Kuwaasi Oo Isku Bahaystay In Ay Meesha Ka Saaraan Maayar Shucaybka Gabiley,

Dhawaqa Xil Ka Qaadista Maayar Ayaa Si Xoog Ah Isusii Taraysa Tan Iyo Markii Maamulka Degmada Iyo Ka Gobolka Gabilay Ay Gacanta Ula Tegeen Mas.Uuliyiin Ka Tisan Sirdoonka Dalka Itoobiya Oo Marayey Gudaha Gobolka Gabilay Isla Markaana Kusii Jeeday Dalka Itoobiya,

Iyada Oo Arinkasina Ay Galaafatay Badhasaabkii Gabiley Yusuf Ibraahin Geedi,

Soo Curashada Xil Ka Qaadistan Ayaa Ka Danbasay Ka Dib Safar Mudo Qaatay Oo Maayarku Ugu Maqnaa Dalka Dibadiisa Taasi Oo Si Wayna Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley,

Warar Xog Ogaal Ah Ayaana Sheegaya In Uu Maayarku Hada Bilaabay Olale Beelaysan Kaasi Oo Uu Ku Doonayo In Xildhibaanada Beeshiisa Eek U Jira Golahaasi Uu Wada Xaajood La Sameeyo,

Isaga Oo Sidoo Kalena Maciin Biday Odayaal Ilaa Maanta Magaalada Gudaheeda Ka Waday Olale Ka Dhan Ah Xil Ka Qaadista Maayarka ,

Iskusoo Wada Duuboo Warada Arimaha Gudaha Ayaan La Ogayn Waxa Ay Kaga Jawaabaty Kalfdhigaasi Aan Caadiga Ahayn E Ay Dalbadeen Xildhibaanada Tiradoodu Kor U Dhaaftay 14 Mudane,

Iyo Halka Uu Ku Danbayn Doono Xil Ka Qaadista Ay Damacsan Yihiin Badiba Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

C/Raxmaan Carab

Exit mobile version