Hargeysa(Wajaale News):-garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo dhawaan xadhiga laga jaray ayaa waxa si rasmiya uga bilaabmay duulimaadyadii caadiga ahaa, iyada oo ay bilaabantay duulimaadyada diyaaradaha waa weyn ee qaada rakaabka.
Diyaarada Daallo Air Line oo ah mid qaada rakaabka ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caasimada ee Cigaal International Air Port,iyad aoo ka soo duushay xarunta wadanka Somaliya ee Muqdisho isla markaana waday rakaab aad u badan.
Maamulaha guud ee shirkada diyaaradaha Daallo Air Line Muniir Abu Site, wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa markii ay diyaaradani soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee caasimada.
Wasiirka duulista iyo hawada somalilandn Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay imaanshiyaha diyaaradahan ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay diyaarada Daallo soo cago dhigato garoonka caasimada waxaanu yidhi ?farxad weyn ayey noo tahay inaanu maanta soo wareejino duulimaadyada diyaarada Daallo Air Line kaas oo ka bilaabmay garoonka diyaaradaha ee caasimada sidaan ayaanu ku wadi doonaa diyaaradaha kale, waxaana lagu dari doona garoonka qaybo kale oo dheeeraada si ay diyaaradaha ugu waa wayni u yimaadaan halkan, waxaanu doonaynaa inaanu qarankan ganacsigiisa dhiiri gelino inaanu dad badan oo maal gashadayaal ah soo jiidno taasina waxay u baahan tahay inaynu helno dekado wanaagsan, garoono diyaaradeed oo wanaagsan iyo waddooyin wanaagsan siyaasadaas ayeyna xukuumadani ka duulaysaa.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.
Duuliyaha Diyaarada Daallo Air Line Iyo Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland
Sidoo kale Maamulaha guud ee shirkada diyaaradaha Daallo Muniir Abu Site oo ka hadlay imaatinka diyaaradan ee garoonka caasimada ayaa waxa uu sheegay.
?maanta waxa madaarka caasimada Hargeysa ka soo degay
Dhinaca kale bayloodka diyaaradan oo isaguna ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha imaanshiyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay u tahay farxad isaga oo tilmaamay in xaalada uu haatan garoonku ku sugan yahay tahay mid aad u wanaagsan.
Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland
Wariye: C/qaadir C/raxmaan Habane