WAJAALE NEWS

DAAWO FADEEXADA ;Ardayda Dugsiyada Oo Ku Kaliyaystay Soo Dhawayntii Madaxwayne Siilaanyo,

GABILEY(Wajaalenews) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwayne siilaanyo ayaa maanta bulshada gobolka gabiley Kala kulmay soo dhawayn la,aan taasi oo guud ahaan waftigii Madaxwayanaha ku noqotay waji gabax iyo mid aan looga baran bulshada gobolka gabiley oo wakhtiyada qaar ahay lafdhabarta xusbiga kulmiye iyo xukuumada siilaanyo

Fadeexada ku habsatay waftiga madaxwayne siilaanyo ayaa sobobtay in amar lasiiyo guud ahaan maamulada dugsiyada waxbrashada iyo madarasaha magaalada gabiley si ay madaxwayanaha usoo dhaweeyaan oo aanu u dareemin galbashada reer gabiley,

Waxaad ku arkaysaa wadooyinka magaalada gabiley oo lasoo dhoobay arday yar yar oo waxrashadoodii laga soo kaxeeyay iyagoo maanta oo dhan taagnaa cadceeda

Waxa xusid mudan in goobkasta uu horjooge ka ahaa maamulka iskuulka ardaydana ku khasbayay in aanay marnaba ka dhaqaaqi wadada ilaa madaxwaynuhu dhaafo,

Dhamaan ardayda magaalada gabiley wax kubarata ayaan maanta qaadan xiisadihii caadiga laguna mashquuliyay soo dhawaynta hogaamiyaha qaran oo u guul daraystay kasbashada bulshada waynta reer gabiley,

Exit mobile version