Hargeisa(wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Cali Jaamac Faarax(Buureed) ayaa ka hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo horena u sheegay in dadkii halkaasi qarxiyey ay markii hore ka yimaadeen Somaliland.waxaaa uu sheegay in dhinaca Muqdisho ay ka yimaadeen labadii ruux ee Jabuuti qarxiyey.
Wasiir Buureed oo warbixinta Jabuuti darteed Xukumaddu Jabuuti ugu dirtay ayaa sheegay inaanay haboonayn in la yidhaahdo Somaliland ayay joogeen dadkaasi.
“dadka wax qarxiyey, sida la sheegayo waxay ka yimaadeen Koonfur Somalia, waana laga yaabaa inay Somaliland sii mareen, laakiin wakhti ku sugnaantaasi, inay wakhti ku sugnaayeen iyaguba(Jabuuti) ma cadayn karaan.socodkoodii iyo farsamadii ay ku yimaadeen, raadkoodii iyo Sawiradoodii markii la helay, cida u sahashay inay warbixin ka helaan ilaa meeshay ka soo jeedaan dadka wax qarxiyey, waxay ahayd dhinac Somaliland, oo Amaankeedu sugan yahay, laakiin nimankan wax qarxinayaa meel kasta sida ay ku gaadhi karaan ayay ku gaadhayaan, dawlad walbana iyadaa la rabaa inay amaankeeda sugato iyo in dawladduhu iska kaashadaanba.” Ayuu yidhi Cali Buureed oo u waramayay Bulshotv.
Wasiir Cali Buureed waxa uu sheegay in tacsi uu madaxweynaha ka siday gaadhsiiyey Xukumadda Jabuuti, taasi oo uu kaga tacsiyadaynayo Falka naxdinta lahaa ee ka dhacay Jabuuti, kaasi oo saddex qof ku dhinteen
Hadalka Wasiirka Kaluumaysiga ayaa ku soo beegmaya xili Gudoomiyaha Kulmiye sheegay in mudo 23 cisho ah ay ku sugnaayeen Somaliland dadka Jabuuti Qarxiyey.
Jabuuti ayaa sheegtay in Haweenay iyo Nin isku qarxiyey Meherad Jabuuti ah oo dadka Cadaanka ahi ku caweeyaan ka soo kala jeedaan Somaliland iyo Diri-dhaba oo Itoobiya ah. Waxay sheegtay in Xuduuda Somaliland ay ka galeen Jabuuti
Wajaalenews.net
Hargeisa/office
c/raxmaan carab daud